Guddoomiyaha Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md.Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in tallaabadii ay tiro-koobka dadweynaha Somaliland ay dhawaan ku sheegtay Soomaaliya ay sii hurinayso uun kala fogaanshaha labada dal, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay daan-daansi cusub.
“Markii go’aanka muddo kordhinta ee Guurtidu soo baxay isagoo sharci ah oo dastuurka waafaqsan,xisbiyada mucaaridka ahi way ka biyo diideen waanay ka cawdeen, xisbiyada mucaaridka ahi qaylo dheer bay ka tolleenoo waxay yidhaahdeen KULMIYE iyo xukumadiisu waxay kordhisanayaan oo ay doonayaan inay helaan muddo dheer oo ka badan tii doorashadu noogu qabsoomi lahayd.Xukumad ahaan iyo anigoo Guddoomiyihii KULMIYE ah iyo madaxweynihii iyo madaxweyne ku xigeenkii oo kuwii loo kordhiyey ah ayaanu tashanay ,waxaanu u aragnay in aanay danta qaranku ku jirin,waxaan sakaaro ka diirsan in lagu buuqo oo laysku khilaafo oo ummada khal khal lagu geliyo,muddo ku siman goormay doorashadii innoo qabsoomaysaa ,markaynu wax walba eegno oo aan cidina diidanayn,in aynu ummada ku wareerin oo aynu khal khal ku galo oo aynu isku buuqno oo aynu isku seegno way noogu muuqan weyday,”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo u waramayay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu si adag uga hadlay tiro koobkii ay dhawaan Soomaaliya shaacisay ee ay ku sheeganayso tirokoobka dadweynaha Somaliland, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan lee yahay dawladan iminka Xamar ka talisaa waxaad moodaa inay doonayso Fad-qalalo oo mar walba wax colaad iyo dhibaato huriya uun ay ku hadlayso,way og yihiin Somaliland iyo Soomaaliya inay kala joogaan halkii 26-kii June 1960-kii ay laba dawladood oo jaara yihiin,dadku inay sidaa isu qadariyaan ayaa wanaagsan oo aynu halkaasi walaaltinimadeenna iyo wax wada qabsigeenna ka bilawno, laakiin siday wax u wadaan waa si aynu weligeen qaylo innooga taagnaato, xasarad iyo dagaal,taana waxaan lee yahay ha ka waantoobaan.”