FIFA: Blatter oo ol’ole nacayb ah ku eedeeyay Yurub

Date:

Madaxwaynaha Fifa Sepp Blatter ayaa dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray ol’olaha nacaybka ku salaysan ee ay kula kaceen saraakiisha reer Yurub.

Waxa uu sheegay in uu aad ula yaabay hadalada ka soo yeeray dacwad oogayaasha Maraykanka kaddib markii la xiray saraakiisha Fifa, iyada oo uu Maraykanku u soo jaray waraaq lagu xirayo iyaga oo musuqmaasuq loo haysto.

79 jirka reer Switzerland waxaa dib loo soo doortay jimcihii oo uu qabsoomay shirwaynihii xiriirka kubadda cagta ee Fifa.

Boqor Bin Cali Xuseen oo reer Jordan ah ayaa Blatter ku qasbay wareeg labaad in loo galo doorashada kaddib markii uu heli waayay 140 kii looga baahnaa isaga oo helay 133 boqor Calina uu helay 73 cod.

Laakiin Bin Cali ayaa go’aansaday in uusan mar saddexaad is sharixin.

Madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta ee Uefa, Michel Platini ayaa ku baaqay in Blatter uu is casilo.

Blatter ayaa arrintaas ku tilmaamay mid ula kac ah oo doorashada lagu soo beegay.

Blatter waxa uu muujiyay kalsoonida uu ku qabo in ururkaasi uu ka saari karo qalalaasaha uu hadda ku jiro.

Waxa uu sheegay in gudiga fulinta ee FIFA uu haddaba ka shiray dhibaatadda ururka haysata.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...