Booliiska Switzerland ayaa xabsiga u taxaabay qaar kamid ah madaxda ugu sareysa ururka caalamiga ah ee kubada cagta FIFA.
Booliiska magaalada Zurich ee dalka Switzerland ayaa subaxnimadii Arbacada gudaha u galay hotelka uu ka dhacayey shirweynaha FIFA ee Baur au Lac hotel.
Waxaana qololkooda loogu galay iyagoo hurda qaar kamid ah hogaamiyayaasha FIFA kuwooda ugu awooda badan oo lagu soo eedeeyey musuq maasuq.
Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay dacwad kusoo oogtay 10 kamid ah madaxda ugu sareysa ee ururka FIFA oo ah hay’ada ugu awooda badan ee ciyaaraha adduunka.
Hawgalkan ayaa kusoo beegmaya xili lagu waday in maalinimada Jimcaha ay FIFA doorato Madaxweynaha ururkaasi uu hada hayo Sepp Blatter, oo doonaya inuu markii 5aad hogaanka u qabto FIFA.
Mas’uuliyiinta dacwada lagu soo oogay oo gaaraya 14 ayaa waxaa ku jira qaar kamid ah xubnaha guddiga sare ee fulinta ee FIFA.
Waxaa sidoo kale Golaha FIFA horyaalay dacwad ka timid dowlada Falastiin oo ku eedaysay Isra’iil inay xanibaad saartay ciyaartoydeeda, isla markaana Isra’iil laga saaro diiwaanka FIFA.
Maraykanka ayaa sheegay in baaritaankooda uu soo socday muddo 3 sano ah isla markaana uu salka ku hayo lacago musuq maasuq ah oo ay qaateen mas’uuliyiinta FIFA iyo heshiisyo si qarsoodi ah loogalay, waxaana lagu wadaa xubnaha la xiray in loo tarxiili doono wadanka Maraykanka si halkaasi loogu maxkamadeeyo.
Dhinaca kale Maalinimada Jimcaha soo socda ee 29ka May ayaa lagu waday in Shirweynaha FIFA codloogu qaado codsiga ka yimid Falastiin, hadii Isra’iil laga saaro diiwaanka FIFA waxaa gebi ahaan la joojin doonaan ciyaaraha naadiyada Isra’iil iyo waliba ciyaaraha caalamiga ah ee Isra’iil laga casumo.
[…] madaxweyne ku xigeen ayaa ka mid ah 7-da xuben ee FIFA ka mid ah ee lagu xiray magaalada Zurich. Waxa ay dhammaantood sugayaan in Mareykanka uu dacwad ku […]