Xukumadda Somaliland, ayaa qaadacday sahan qiyaaseed lagu sameeyay dadka ku nool dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia ka hor 1991 oo ay soo bandhigtay Xukumadda Somalia oo kaashanaysa Hay’addaha qaramada midoobay ee UNFPA iyo UNHCR.
Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa ganafka ku dhuftay qiyaasta dadka Somaliland ku jirto ee lagu soo bandhigay Somalia.
Wasiirka oo shir jaraa’id saaka ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in sahankaasi yahay mid aan khusayn bulshada Somaliland ku nool, isagoo sheegay in gol-daloolooyin ku jiraan islamarkaana markii la samaynayay ay u haysteen mid Somaliland u gaar ah balse hadda aanay ogolayn qiyaastaasi.
Wasiirku waxa uu sheegay in tiro koobka ay soo bandhigtay Wasaaradda Qorshaynta Somalia inay iyaga ku kooban tahay oo kaliya, balse ka duwan tahay ta laga samayey deegaanada Somaliland oo Xogteeda ay gacanta ku hayso wasaradda Qorshaynta somaliland.
Warbixinta tiro koob qiyaaseedka oo shalay lagu soo bandhigay Munaasibad lagu qabtay Muqdisho ayaa u dhignayd sidan:-
Tiro koobkan Somalia iyo hay’addaha UN-tu shaacisay ayaa Soomaalida(Somalia iyo Somaliland dadka ku nool) waxaa lagu qiyaasay 12 Milyan, waxaana reer Somaliland ah ku dhawaad 3.6 Milyan.
Daraasaddii tan ka horaysay oo la sameeyay 1986, ayaa dadka Soomaaliya ku nool ku qiyaastay ilaa 9 Milyan, balse tiradan oo lagu saleeyay 18-kii gobol ee Somalia ahayd ka hor 1991-kii ayaa lagu sheegay inay yihiin 12 Milyan iyo dheeraad.