Rai’sal wasaraaha Ciraaq Xaydar Al-Cabaadi waxa uu sheegay in magaalada Ramadi dib looga qabsandoono Daacish mudo maalmo ah gudahood.
Laakiin waxa uu BBC-da u sheegay in loo baahanyahay taageero dheeri ah oo uga timaada xulafada caalamiga ah ee ay wada shaqeeyaan.
Ciidammada Ciraaq ayay soo wajaheen tiro guuldarooyin ah oo ay kala kulmeen Daacish sanadkii hore, malayshiyo yar ayayna uga soo soo baxeen magaalada Ramadi todobaadkii hore.
Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Ashton Carter, ayaa sheegay axadii in ciidammada Ciraaq ay iska soo xireen rajadii ay ku dagaalami lahaayeen.
Carter ayaa barnaamij CNN kabaxa u sheegay in Ciidammada ciraaq ay doorteen in ay isaga baxaan magaalada iyo oo aad uga tiro badan Malayshiyada soo weerartay.
goor sii horaysayna, Hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa shiicada ee Xisbullah Xasan Nasrallah ayaa sheegay in adduunyadu ay wajahayso khatar aan hore loo arag xagga taariikhda ah, taas oo ka imaanaysa Daacish iyo ururrada ku xiran Al-Qaacidda.
Ururka Daacish ee haatan isugu yeera Khilaafada Islaamiga iyo ururro kale oo Al-Qaacida taageersan ayaa ka dagaallamaya dalka Suuriya iyo Ciraaq
Nasrallah waxa uu qiray markii ugu horreysay in Xisbullah ay ka dagaallamayso dalka la deriska la ah lubnaan Suuriya.