UN: QM oo qabaneysa Shirka xasilinta dalka Yemen

Date:

Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii shalay shaacisay inay todobaadka soo socda magaalada Geneva ku qaban doonto shir looga hadlayo nabadeynta wadanka Yemen.

Shirkan ayaan la aqoon cida kasoo qeyb geli doonta, dowlada Yemen ee la aqoonsan yahay oo dibad jooga ah ayaa sheegtay in aan lagala tashan shirkan.

 Sidoo kale kooxda Xuuthiyiinta ee ka dagaalameysa dalka Yemen ayaa hogaankeeda waxaa saaran cunaqabateyn dhanka socdaalka ah.

Shirkan ayaa lagu beegay todobaad kadib shirkii ka dhacay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga oo ay ka qeyb galeen Qabaa’ilka dalka Yemen iyo dowlada Cabdurabi Mansuur Hadi, kuwaasi oo ku baaqay in ciidamo loo diro gudaha dalka Yemen.

Xuuthiyiinta ayaa iyagu qaadacay shirkii ka dhacay Riyad manacada inay tagi doonaan shirka ay UN-ta ku baaqday.

Dhinaca kale dowlada Sucuudiga ayaa ku baaqday in shirka Geneva aan lagu casumin dowlada Iran, balse ay kasoo qeyb galaan oo kaliya dhinacyada isku haya dalka Yemen iyo wadamada Carabta oo kaliya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...