Koox ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa gudaha u galay Masjid ku yaala Gaarisa waxaana ay Muxaadaro u jeediyeen dadkii Masjidka ku sugnaa.
Mid kamid ah dadkii dhegaystey khudbadda al-Shabaab ay ka jeediyeen masaajidka ku yaala deegaanka Ijaara /Gaarisa ayaa yiri waxay ahaayeen ciidan aad u hubeysan oo gaaraya 40 qof, Dadka ayey magaalada ka soo kaxeeyeen waxaaana ay isugu keeneen Masaajidka halkaas oo ay muddo laba saac ah muxaadaro u jeedinayeen, halka qaarkood ay Masjidka kor ka ilaalinayeen.
Qofkan oo ka gaabsadey magiciisa ayaa yiri, muxaadaradoodu waxay u badneyd in ay dadka ku booriyaan Jihaadka, waxay nooga digeen in aan la shaqeyno maamulka Kenya, Waxay dadka ku booriyeen in ay ka mid noqdaan al-Shabaab.
Kadib markii ay khudbadda dhameeyeen waxay aadeen dhanka duurka oo ay markii hore ka yimaadeen.
Arrintan ayaa dharbaaxo weyn ku noqoneysa laamaha Amniga ee Kenya, taas oo muujineysa awoodda al-Shabaab ay ku dhexsamaysteen dalka Kenya.
Bilo ka hor ayey ahayd markii koo ka tirsan al-Shabaab ay 150 qof ku dileen Gaarisa, kadib markii ay qabsadeen Jaamacadda Gaarisa oo ay dhiganyeen ardey bololaal ah, waxaana ay u kala sooceen diinta ay aaminsan yihiin.
[…] ka soo baxay Xagardheer, waxaana ay ku raad joogeen ciidamada al-Shabaab oo maalmo ka hor dadka Yumbeys muxaadaro u […]