UK: Prince Charles iyo Gerry Adams oo is qacan-qaaday

Date:

Wiilka Boqorada UK Prince Charles ayaa kulan taariikhi ah la yeeshay xubno ka socda Kooxda IRA oo uu dagaal dheer u dhaxeeyey Boqortooyada Ingiriiska.

Prince Charles oo Salaasadii shalay booqday Ireland ayaa la kulmay hogaamiyaha garabka siyaasada ee IRA (Sinn Féin) Mr.Gerry Adams.

Hogaamiyaha IRA Mr.Adams oo saxaafada si kooban war u siiyey ayaa sheegay in weli loo baahan yahay Din u heshiisiin badan oo dhexmarta Boqortooyada Ingiriiska iyo shacabka Ireland iyadoo uu sheegay in weli aysan si dhameystiran u bogsoon dhaawacyadii soo kala gaaray.

Wadaniyiinta Waqooyiga Ireland ee u badan Katooliga iyo Kooxda IRA ayaa si weyn u necbaan jiray Prince Charles oo horey mar taliye uga soo noqday ciidamadii Dowlada UK ka joogay Waqooyiga Ireland, ciidamadaasi oo iska horimaadyo badan ku dilay kooxo ka tirsan jamhada IRA.

Todobaadkii hore ayey dowlada Ireland fashilisay isku day dil ay kooxo kamid ah IRA ay doonayeen inay ku khaarajiyaan Prince Charles oo todobaadkan dhulkaasi booqasho ku maraya.

Charles ayaa maanta oo Arbaca ah booqanaya deegaanka Mullaghmore oo ah goobtii sanadkii 1979kii ay kooxda IRA ku dhisay adeerkiis Lord Mountbatten.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...