Iraq: Kooxda Daacish oo si rasmi ah u qabsatay magaalada Ramaadi

Date:

Magaalada Ramaadi ee waddanka Ciraaq ayaa waxa ay gacanta u gashay kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ah, kaddib markii ay ciidammada dowladda baneeyeen xuramahooda, saraakiisha ayaa sidaasi sheegtay.

Ra’iisul Wasaare Xaydar Alcabaadi ayaa xilli hore ku booriyay ciidammada dowladda in aanay banayn xarumahooda Ramaadi.

Booliska iyo milateriga ayaa sameeyay dib u garasho qaab daran kaddib maalmo uu halkaasi ka socday dagaal xooggan.

Hasayeeshee dowladda Mareykanka ayaa diiday in ay xaqiijiso in magaalada la qabsaday, iyadoo sheegtay in xaaladdu ay aheyd mid “weli lagu loolamayo” ayna tahay xilli hore in la soo saaro “bayaan kama dambeys ah”.

Ramaadi waa magaalo madaxda gobolka ugu ballaaran waddanka Ciraaq ee Anbaar, waxa ayna 70 mile (112km) galbeedka ka xigtaa magaalada Badqaaq ee caasimadda dalkaasi.

Bayaan ka soo baxay kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadeeda ay qabsadeen guud ahaan magaalada.

Waxaa sidoo kale bayaankaasi lagu sheegay in dagaalyahanada kooxdu ay qabsadeen saldhigga Guutada 8-aad, halkaasi oo ay ku qabsadeen taangiyo iyo qalabka laga gano gantaalada oo ay ka carareen ciidammada Ciraaq.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...