Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaal dib kula wareegay deegaamada Aw-Dhiigle iyo Mubaarik oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ka dib markii subaxnimadii hore ay dagaal ku qabsadeen Ururka Al-shabaab.
Dadka deegaamadan ayaa sheegay in subaxnimadii hore ay magaalooyin saacado kooban maamulayeen Ururka Al-shabaab, waxayna sheegeen in ciidamada dowladda ay dagaal dib u soo qaadeen ilaa hadana ay maqlayaan dhawaqa rasaasta.
Gudoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii oo warbaahinta uga waramay dagaaladan ayaa ka hadlay khasaaraha dagaalkan ka dhashay ee soo gaaray ciidamada iyo Al-shabaab, Wuxuu sheegay in 4 askari oo ciidamada dowladda dagaalka ku dhinteen dhanka kalana ayuu sheegay in ay guul ka gaareen oo ay ka dileen Al-shabaab ilaa 20 kamid ah Al-shabaab.
Siidii wuxuu sheegay in deegaamadan ay dhawaan iskaga baxeen ciidamo ka tirsan kuwa howl galka AMISOM ayna joogeen cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda oo aan ku filnayn difaaca magaalooyinka balse hada ka dib ciidamo kale lagu soo kordhin doono.
Ururka Al-shabaab ayaa dagaalo gaadma ah ku soo qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM xiliya ay ku sugan yihiin fariisamadooda ama ay ku socdaalayaan wadooyinka isku xira magaalooyinka Koonfurta Soomaaliya.