Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa doonaya in uu niyadda u dejiya saaxiibadiisa Khaliijka Carabta, isla markaana u caddeeyo in Maraykanku weli ku taagan yahay heshiiskii dhanka amniga ee u dhexeeyey, marka la eego wel-welka Boqorada Khaliijka Carabtu ka qabaan isu soo dhawaanshaha Maraykanka iyo IRAN.
Shirkan oo heerkiisu sareeyo ayaa maanta oo khamiis ah ka furmaya Camp David gobolka Maryland, waxaana uu Obama la kulmayaa Ergooyin ka socda dalalka Sucuudiga, Kuweyt, Qatar, Baxreyn, Isutaga Imaaraadka Carabta iyo Saldanada Cumaan, dhamaan dalalkan ayaa ku jiras Iskaashiga Khaliijka Carabta.
Dalal ka mid ah Khaliijka Carabta ayaa u soo direy shirka ergooyin heerkoodu hooseeyo sida dalka Sucuudiga oo Boqor Salman ka baaqsadey shirkaas, waxaana uu soo direy dhaxl-sugaha Sucuudiga Amiir Maxamed Nayif Bin Cabdicasiis iyo wiilka uu dhaley ee ah ku xigeenka dhaxal sugaha ahna Wasiirka Gaashaandhigga.