Yemen: Sucuudiga Oo Ku Dhawaaqay Xabad Joojin Muddo Kooban Ah

Date:

Isbeheysiga Sacuudiga uu hogaaminaayo ee duqeynta ku haya Xuutiyiinta Yaman, ayaa ku dhawaaqay inay salaasada xabad joojin bilaabi doonaan.

Xabad joojinta ayaa ku kooban shan maalmood, taas oo looga golleeyahay in la ogolaado sidii gargaar loo gaadhsiin lahaa dadka gudaha Yaman ku dhibaateysan.

Sacuudiga ayaa tilmaamay in duqeynta ay hakin doonaan maalinta Talaadada ah, laakiin macadda in mucaaradka dhankooda ay joojinayaan dagaalka.

Haddii aanay joojinin Xuutiyiinta, Sacuudiga waxa uu shaaciyay inaanay xabad joojinta sii jiri karin. Waxaana meesha ka bixi karto fursadda gargaarka lagu gaadhsiinnayo dadka ay gaajada ku hayso gudaha dalka Yaman.

Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa tilmaamay in xabad joojinta uu Sacuudiga ku dhawaaqay ay bilaabaneyso maalinta loogu talagalay.

Mr Kerry ayaa xaqiijiyay in arritan xabad joojinta ah ay ku tiirsan tahay sida ay Xuutiyiinta u aqbalaan.

Ka hadalka xabad joojinta ayaa timi, kaddib markii Sacuudiga iyo xalafadiisa ay xoojiyeen weerarada ay ku hayaan goobaha ay ku xoog badan yihiin Xuutiyiinta ee gobolka Sacda.

Sacuudiga ayaa dadka rayidka ah ee gobolkaasi deggan u sheegay inay isaga baxaan halkaasna ay tahay goob militari iyo furun dagaal.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...