Somalia: John Kerry oo la kulmey Hoggaamiyaasha Soomaalida

Date:

Xogheyaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa safar aan hore loo si shaacin kusoo gaarey maanta oo talaado ah magaalada Muqdisho.

Mr Kerry ayaa kasoo kicitimay magaalada Nairobi oo uu maalmahan ku sugna, waxaana booqashadiisa ay qeyb ka tahay safar uu ku marayo wadamada Geeska Afrika. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la xirey dhamaan wadooyinka soo aada garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde. Waxaa sidoo kale la xanibay duulimaadyadi garoonka.

Kerry waxaa safarkiisa ku weheliyey ergayga Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Kulan degdeg ah ayaa Xoghyaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanku kula yeeshey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid, kulanka ayaa ka dhacay garoonka diyaradaha ee Muqdisho, waxaana diiradda lagu saarey isbedeladii u danbeeyey iyo iskaashiga labada dal.

Xoghahayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sidoo kale kulan la qaatey saddexda Dowlad goboleed ee dalka ka jira Madaxweynayaashooda oo dhanaamtood  soo gaarey Muqdisho, waxaana sidaas si lamid ah ay ka wada hadleen horumarka dalka iyo isbedelka la doonaayo in Soomaaliya la gaarsiiyo nabad ay dadku soo doortaan Madaxdooda.

Sidoo kale waxaa uu la kulmay hogaamiyiyaasha ururada bulshada rayidka, isagoo mahadcelin u jeediyay howlagalka midowga Afrika ee AMISOM dadaalada nabadeynta ah oo ay Soomaaliya ka wadaan.

John Kerry ayaa noqonaya Xog-haye Arrimaha Dibadda ee Maraykanka kii u horeeyey ee booqda Soomaaliya, Sanadkii 1993 ayaa Madaxweynihii Maraykanka ee xilisgaas George H. Bush uu booqasho ugu tegey ciidmadii Maraykanka ee Soomaaliya loo soo daabuley sanadkii 1992.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...