Puntland: 502 qof oo qaxooti Soomaali ah ayaa maanta soo gaaray magaalada Bosaso

Date:

Waxaa maanta dekadda weyn ee magaalada Bosaso ku soo xiratay dooni siday qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo ka soo cararay dagaalada ka jira dalka Yemen.

Qaxootigan ayaa isugu jiray rag, dumar, carruur, dhalinyaro iyo dad da’ah, isla markaana qaarkood qabay xanuuno kale duwan.

Tiro ahaan waxa ay gaarayaan 502 qof, waxaana lagala hortagay markii ay ka soo degeen doonida biyo cunto iyo dawo.

Waxaa loo gudbiyey kuwa qabay xanuunka xarumaha caafimaadka ee magaalada si xaaladooda caafimaad lagula tacaalo, halka kuwa kale la geeyey  goobo ay ugu tala gashay xukuumadda Puntland.

Magaalooyinka Sanca iyo Mukalah ayey ka soo qaxeen qaxooytiga maanta dib ugu soo laabtay dalkooda.

Waiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Cabdullaahi Qoob deero oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekadda ayaa sheegay in qaxootiga soo gaaray magaalada ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen isla markana la geen doono goobo loogu tala galay.

Si kastaba ha ahaatee Puntland ayaa horay u soo dhaweesay qaxooti fara badan oo ka soo cararay dagaalada ka jira Yemen, qaarkood waxaa loo gudbiyey goobihii ay ku wajahnaayeen, halka kuwa kale la dejiyey xarun loogu tala galay oo loogo diyaariyey cunto, biyo, caafimaad iyo jiifba.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...