UK: Gabadh yar oo u Dhalatay Boqortooyadda UK

Date:

Amiir William iyo xaaskiisa Catherine ayaa caalamka u soo bandhigay gabadhooda cusub ee maanta u dhalatay. Waxay caawa soo istaageen iyaga oo xambaarsan gabadhooda banaanka hore ee isbitaalka St Mary’s ee London.

Xaaska Amiir William ayaa saaka gabadha ku dhashay isbitaal ku yaal London.

Gabadha dhalatay ayaa waxay noqon doontaa qofka afraad ee sugaya dhaxalka boqortooyada Britain.

Sida lagu sheegay hadal qoraal ah, waxaa Kate ay dhashay ilmaha saacaddu markay ahayd 08:34 wakhtiga London, waxaana culeyskeedu ahaa 3.7kg.

Amiir William ayaa goob joog ahaa xilliga ay foolanaysay xaaskiisa Catherine, waxaana warkaasi ka soo baxay aqalka qasriga Kensington lagu sheegay inay labadooduba caafimaad qabaan.

Horey ayaa Catherine loo geeyay isbitaalkan oo ay bishii July ee sanadkii 2013 ku dhashay wiilkeedi ugu horreeyay oo ah Amiir George.

Warka waxaa lagu sheegay in boqorada Britain Elizabeth II iyo ninkeeda, Amiir Harry iyo xubnaha kale ee qoyska reer boqor lagu wargeliyay gabadha ku soo biirtay qoyska, isla markaana ay ku faraxsan yihiin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...