Wefti ay hogaaminaysay Miss Cat Evan, Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Ingirisku uu ku leeyahay Waddanka Ethiopia, oo ka koobna 4 xubnood ayaa la kulmay Shir-guddoonka Golaha Guurtidda.
Dhinaca Golaha guurtida waxaa kulanka goob joog ahaa Ku-simaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Mudane Siciid Jaamac Cali, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Mudane C/raxmaan Sh. Yuusuf Sh. Madar, Xoghayaha Guud ee Golaha Mudane C/laahi Ibraahim Habane iyo Xubno ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Guddigga Joogtadda ee Goluhu Mudane Muxumed Aw- Axmed X. Aadan, X. Cabdi Xuseen Yuusuf, Guddoomiyaha Guddigga Arrimaha Bulshadda ee Golaha Mudane C/qaadir Maxamed Xasan iyo Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan.
Nuxurka Socdaalka Waftigaasi wuxu la xidhiidhay Arrimaha Doorashooyinka, waxayna daba socdeen Qoraalka uu Komishanku Arinkaasi ka soo saaray, waxayna caddeeyeen in ay ayidsan yihiin Arrinta Komishanka, kuna adag yihiin.
Golaha guurtida ayaa Mawqifka Weftiga Ingiriiska waxay kaga jawaab celiyeen in ay haboonayd Sharciyana ay tahay in Komishanku marka hore uu cadeeyo in aanay Doorashaddii ku qabsoomayn wakhtiigii hore loogu talla-gallay ee ahaa 26 June 2015, marka ay Muddo kordhin timaadana ka dib ay cayimaan wakhtiga ay qabanayaan Doorashadda oo waafaqsan Qoddobadda 42-aad iyo 83-aad ee Dastuurka JSL iyo Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Golayaasha Deegaanka Xeer Lambar 20/2001.
Si kastaba ha ahaatee, Goluhu isagoo tix-gallin doona Dareemada Beesha Caalamka iyo Asxaabta Qaranka, Danta Guud ee Maslaxaddda Qaranka iyo Xaalaadka Guddo iyo Dibedba ee ku xidhiidhsan Mandaqadda iyo dalkeenaba wuxu fallan-qayn doona kana doodii doona wakhtigii munaasib ah.
Sidaasi ayuu Shir-guddoonku iyo Xubnihii kale ee Goluhu u sheegeen weftiga, waxayna ka qaadeen waraaqihii ay waddeen waraaqahaasi oo ka kala socday Guddiga Doorashooyinka iyo Dimuquraadiyadda oo fadhigoodda yahay Nairoobi iyo Safaaradda Ingiriiska ee Magaaladda Addis Ababa.
Ugu dambayntii, Weftiga waxa loo sheegay in Doorashooyinkii ugu horayay ee Somaliland ay qabsoomeen sanadkii 2002dii, sidoo kalena Doorashaddii ugu horaysay ee Madaxtooyadduna ay qabsoontay sanadkii 2003dii, labadaas doorasshana ayna Somaliland ka helin Beesha Caalamka wax gargaara oo la xidhiidha Doorashooyinkasi, kuwaas oo u qabsoomay six or iyo Xalaala (Free and Fair Elections), Beesha Caalamkuna ay ahayd markii ugu horaysay ee ay Somaliland ka gacan siiyaan Hawlaha Doorasho ay ahayd 2005tii Doorashaddii Golaha Wakiiladda.