Puntland: Qarax lala beegsaday Shaqaalaha UN-ka ee Garoowe

Date:

Gaari ka mid ah kuwa UN-ka oo lagu xiray walxaha qarxa ayaa ku hor qarxay afaafka xarunta UN-ka ee Garoowe, waxaana dhaawac iyo dhimasho ka soo gaaray shaqaale ka tirsan xarunta UN-ka.

Sida wararka ku helayno Dadka ku dhintay Qaraxan ayaa gaaraya ilaa todobo qof oo  ka mid ah shaqaalaha UN-ka, shan ka mid ah ayaa sida la sheegay ka mid ah shaqaalaha Ajaaniibta ee ka shaqaynayey xarunta UN-ka, labada kalana waa Soomaali ka mid ah shaqaalaha UN-ka.

 

 Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa isla markiiba goobta soo gaarey ciidamada amaanka ee Puntland kuwaas oo xirey  goobta qaraxu ka dhacay, iyagoo shacabka iyo giidiidka ka hor istaagay in ay maraan wadooyinka u dhow xarunta UN-ka Garoowe oo dhanka Galbeed ee magaalada ku taala.

Gaariga Qaraxa lagu rakibay ayaa ka mid ahaa baabuurta u shaqaysa xarunta UN-ka Garoowe.

Laamaha amaanka Garoowe iyo maamulka wali kama aysan hadlin qaraxan lala eegtay qaariga Un-ka, waxaana hadal haynta qaraxan uu ku badan yahay saaka Puntland iyadoo qaraxan uu yahay mid kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo ka dhaca Garoowe lana eegto gaari u shaqeeya Xarunta UN-ka Puntland.

Waa qaraxii ugu weynaa ee lala beegsado Qaramada Midoobay xaruntooda Puntland, waxaana bilihii lasoo dhaafay si weyn loo adkeeyey amaanka xarunta Qaramada Midoobay ee Garowe, walow aan la aqoon habka bambada loogu xiray gaarigan ay raaci jireen shaqaalaha UN-ta.

Wararka ku soo kordha la soco Wargane News

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...