Somalia: Cuno qabateynta Soomaaliya, iyo qorshe la’aanta Dowladda

Sanadkii 1998 ayaa mufakir Soomaaliyeed ii sheegey in ay diyaarad wada raaceen, maal-qabeen dalalka carabta u dhashey, waxaana Mufakirka Soomaaliyeed la weydiiyey ‘Xaaladda Soomaaliya ma sidii ayey dowlad la’aan u tahay’?, Jawaabta Mufakirka ayaa noqotey ‘maya’ ee caalamka ayaan bareynaa tab iyo hab cusub oo dadku noolaan karaan Dowlad la’aan, waa jawaab ku filan in dalku weli fawdo yahay, maal-qabeenkana ugu filan in uu dib u fekero, waxaase dad badan is weydiiyaan halka Soomaali ka dhiman la dahay, muddada dheer ee dagaalada iyo dowlad la’aantu aafeysey waxaana dadka dhanka Dhaqaalaha Bulshada ka faallooda ay sheegaan in ay tahay:

  • Dhaqanka wada noolaanshaha & wax wadaaga ee Soomaalida.
  • Xoolaha nool ee rabbi ku manaystey Soomaalida.
  • iyo Lacagaha dadka dibadaha u soo baxay ay dib ugu diraan dadkoodi.

Xoolaha

 Roobabka oo yaraadey, ama ka soo daaha xilligii la sugaayey, nabaadguurka dhulka, bacaadka iyo dhibaatooyinka kale ee deegaanku waxay sabab u noqdeen yaraanta xoolaha nool oo iyagaba ay saameysey Dowald la’aantu. Waxaa hoos u dhacey dhoofinta xoolaha marka la eego sanado hore sidey ahayd, arrintaani waxay qayb ka noqotey dhaqaale xumada iyo busaaradda dalka laga dareemaayo, qaar kamid ah dalalka Carabta ee loo dhoofin jirey xoolaha waxay qayb ka noqdeen aaladaha Soomaalida lagu cunna qabateeyo, markii ay doonaan joojiyaan in dalkooda la geeyo xoolaha Soomaalida, iyaga oo sheegta in ay qabaan cuduro.

Lacagta Xawaaladaha

CCnqAwKUgAAYhwI

Qodobka labaad ee Soomaalidu ka dhiman la’dahay ayaa ah dhaqaalaha qurbejoogto naftooda ka gooyaan dibna ugu diraan ehelkoodi taas oo sanadkasta lagu qiyaaso $1,2biyan oo dollarka Maraykanka ah.

Shirkadaha ka shaqeeya Xawaaladaha ama Wareejinta Lacagta ayaan marna sameyn horumar ay uga gaashaaman karaan in la curyaamiyo ganacsigooda, isla markaana la cunna qabateeyo Malaayiin Soomaaliyeed ee ku nool xoogaaga loo diro, Shirkadaha Xawaaladuhu marna kuma fekerin in ay noqon karaan bangiyo la aqoonsan yahay oo aan deg-deg lagu burburin karin, iyaga oo isu geynaya awoodooda, waxayse ka shaqeeyaan in ay is burburiyaan oo suuqa ka saaraan qaarkood.

Iyada oo Soomaali badan la daalaa dhacayso dhibaatadii ka dhalatey xanibaadii Bangiyada Maraykanka iyo Ustraaliya ay ku soo rogeen Xawaaladaha Soomaalida, isla markaana wadnaha farta looga hayo dalal ay kamid tahay Sweden, ayaa furin kale oo ka sii daran soo baxdey.

Soomaaliya waxay noqotey dal, xitaa Kenya ay si fudud u curyaamin karto, kadib markii ay xirtey dhamaan shirkadihii Wareejinta lacagta, taas oo dharbaaxo weyn ku noqotey bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya u dhasheyba.

Shirkadaha Soomaalidu si indho la’aan ah ayey u maalgashteen dalka Kenya, waxaana qaarkood ka dhigteen xarumahooda ugu waaweyn, kuwaas oo maanta qafil weyn saaran yahay.

Xanibaadda Shirdakaha Xawaaladaha Lacagaha iyo dadka kaleba, waxay Kenya jawaab uga dhigtey weerarkii Gaarisa ee al-Shabaab ku dileen 148 qof, waxay ku eedeysey dhamaantood in ay xiriir la leeyihiin al-Shabaab, inkasta oo aysan Kenya wax caddeyn ah keenin.

Lagama fekerin khatarta ka dhalan karta xiritaanka Xawaaladaha Kenya, kumaankun Soomaaliyeed ayaa noloshoodu khatar ku jirtaa, kuwaas oo aan haysan wax ay suuqa la aadaan ama isaga bixiyaan kharajiyaadka nolosha caadiga ah, kuwaas oo cidkasta uga baahi badnaa, sidoo kale Kenya qurdheeda ayaa dhaqaale badan oo u soo xeroon jirey ku waayeysa.

Waxaa jira qorshe ka dhan ah dhamaan shirkadaha xawaaladaha ee Adduunka, kaas oo ay wadaan Bangiyada awoodda leh ee Maraykanka oo u arkey in shirkadaha Xawaaladuhu ay la yimaadeen nidaam casri ah iyaga oo ka faa’ideysanaya Teknoolajiyadda casriga ah, ka dhakhsiyo badan kooda kana khidmad jaban isla markaana lacago badan oo ay heli lahaayeen halkaas ku baaqdaan, horey ayaa loogu soo tijaabiyey dalka Afqaanistaan xiritaanka Xawaaladaha.

Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida waxaa la gudboon in ay yeeshaan qorshe ay ku badbaadin karaan ganacsigooda, iyo nolosha dadka Soomaaliyeed ee suga gacanta kale iyaga oo ka faa’ideysanaya khibaradda shirkadihii yar-yaraa ee Afqaanistaan sidaan oo kale loo xirey.

Doorka Dowladda Federaalka ah

Dowladda Soomaaliyeed ayaa la dhihi karaa waxay ku mashquulsan tahay 2016 sidii ay mar kale Xil ceebeedka ugu soo noqon lahayd, waxaana ka daahsoon in dalkiiba cunno qabateyn aan Qaramada Midoobey la soo marsiin la saarey.

Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ma jiro ganacsi rasmi ah oo ka dhexeeya. Dhaqaalaha adduunku ugu deeqo Soomaaliya 70% waxaa lagu cunaa dalka Keenya, magaalada Nairobi xaafadda Girigiri. Waxa keliya ee la dhihi karo maalinkasta Kenya waa u soo dirtaa Soomaaliya waa sunta cagaaran ee qaadka, kadibna waxay ku beddeshaan Dollarka cagaaran ee ah canshuurtii iyo deeqihii Soomaaliya.

Kenya waxay gurataa oo baaritaan ku haysaa biyihii Badda ee Soomaaliya lahayd iyada oo aan la ogeyn halka ay ku danbeysey dacwaddii la isla geeyey Maxkamadda Caalamiga ah., waxaana taas dheer in ay sheegayso in ay Soomaaliya nabad la dooneyso oo ciidamadeedi geysey goobaha dagaalka!.

Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon in ay xoog saarto sidii shuruuc dhaqaale iyo bangiyo caalamka si toos ah ula dhaqmi kara ay la imaan lahayd, waxaa la soo gaarey xilligii Dowladdu la shaqeyn lahayd shruucna u sameyn lahayd Xawaaladaha Soomaalida, isla markaana caalamka looga gadi lahaa nidaam daahfrunaan ah si looga baxo xaaladda  taagan maanta.

Sadaqo laguma noolaan karo

Shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay isku tashadaan, nebigu (NNKH) wuxuu yiri gacanta sareysa ayaa ka kheyr badan gacanta hooseysa, biyo sacabadaada ayaa looga dhergaa, muriqiina maala oo ogaada in si fudud loo goyn karo lacagaha reer Galbeedka laga soo diro,  sheekaduna noqon karto “Wax la waayey Geellow ruxuu waalan baw duda.

Comments

comments