Magaalada Geneva waxaa ka dhacaya shir looga hadlaya aalad hubaysan oo sida bani’aadamka loo sameeynayo ee loo yeqaano Robots.
Shirkan waxaa isugu imaanaya khubarada dhanka hubka iyo tignoolajiyada, kooxaha xaquuqul insaanka, iyo waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobey.
Waxaa shirka looga hadli doonaa sharciyadda iyo saameynta ka dhalan karto aaladdan hubeysan oo cidna aysan maamulin.
Kooxaha xaquuqul insaanka ayaa rumeysan in hubka noocaasi ah ay tahay in gebi ahaanbo la mamnuuco ka hor intaan la soo saarin.
Balsle waddamada qaar waxay rumeysan yihiin in qalabkani lagu badbaadin karo noolasha bani’aadamka, iyadoo la yareynayo ciidamada dhulka ka dagaal galaya xilliyada dagaalka.