Puntland: Raysal-wasaare Sharmaarke oo Garowe lagu soo dhaweeyey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galabta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Garoowe, Waftiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Dastuurka, Wasiiru dowladaha Gaashaandhiga, Wasiiro ku xigeeno, Xildhibaano iyo Lataliyayaasha qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda

09-740x494

 [audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/04/sharma.mp3″]

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhaweeyey madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku xigeen, Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland, wasiiro, xildhibaano, madax ka mid ahaa xukuumadii hore ee Puntland, Isimo iyo dadweynaha magaalada Garoowe.

Raysal wasaaraha ayaa salaamay dhamaan shacabkii iyo madaxdii soo dhaweysay isagoo salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka Puntland, Intaa ka dibna waxaa loo soo gudbiyey xarunta madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo Raysal wasaaraha dowladda federaalka ayaa si wada jir ah saxaafada kula hadlay xarunta madaxtooyada ugu horayna madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiwlai Gaas ayaa soo dhaweeyey Raysal wasaaraha iyo wafdigiisa isagoo uga mahadceliyey safarkan uu ku yimid Puntland, wuxuu sheegay Gaas inta uu wafdiga raysal Wasaarahu jooga in laga wada hadlayo arrimo la xiriira federaalka, barnaamijka Hiigsiga 2016 iyo dhismayaasha maamulda socda.

Raysal wasaare Cumar ayaa madaxweynaha Puntland iyo shacabka uga mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyey wuxuu tilmaamay in safarkan uu yahay kii ugu horeeyey ee uu ku yimaado Puntland inta uu xilkan dib u qabtay, wuxuu Cumar sheegay in qorshayaasha safarkan uu ka mid yahay sidii dib la iskula eegi lahaa heshiisyadii Puntland iyo dowladda federaalka ee ay xukuumadii ka horaysay la gashay.

Wafdiga Raysal wasaaraha iyo maamulka Puntland ayaa berri shir uga furmayaa Garoowe iyadoo qodobada looga hadlayo ay la xiriiraan barnaamijka hiigsiga 2016ka iyo hehiishyada Puntland iyo federaalka horay uwada galeen.

Comments

comments