Puntland: Madaxweyne Gaas oo ka qaybgalay aaska Aamina Abiib

Date:

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta oo ay taariikhdu tahay 9-4-2015 ka qeyb-galay aas-qaran oo qabuuraha magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland loogu sameeyey Alle ha unaxariiste marwadii Dr.Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihihii hore ee Puntland Marxuumad Aamino Abiib.

Aaska qaran ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire,Wasiiro iyo xildhibaano katirsan dawladda Punttland, Madaxweyne ku xigeenki hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire, Isimo, waxgarad, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiish Maxamed Faroole, dhammaan eheladii iyo shacabka reer Puntland oo ay ka baxday marxuumad Aamino Abiib oo ku geeryootay maanta magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland.

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/04/CODKA-ISLAAN-CIISE.mp3″]

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/04/CODKA-GUDOOMIYAHA-BAARLAMAANKA-PUNTLAND-SICIID-XASSAN.mp3″]

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/04/CODKA-MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA-PUNTLAND-CAMEY.mp3″]

[audio_mp3 url=”http://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2015/04/CODKA-MADAXWEYNE-KU-XIGEENKI-HORE-EE-PUNTLAND-CABDISAMAD-CALI-SHIRE.mp3″]

” Anigoo ku hadlaya magaca dawladda Puntland waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynayaa eheladii ay ka dhimatay marxuumad Aamino Abiib gaar ahaana Madaxeweynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiish Maxamed Faroole, Alle ha u naxariisto marxuumada samir iyo iimaan buuxana ilaahay haynaga siiyo ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Ilaahay waxaan ka rajaynayaa meesha ay joogtay meel ka kheyr badan in uu geeyo intii ay ka dhimatayna ka samir siiyo ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa marxuumad Aamino Abiib Alle uga baryey in janadiisa fardowsa uu ka waraabiyo qabrigana uu u waasicyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan shire ayaa sidookale isna ka tacsiyeeyey geerida marxuumada, waxaana uu alle uga baryey in dambigeeda uu dhaafo, meel wanaagsan oo aduunka uga kheyr roona uu geeyo.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...