Somaliland: Dahabshiil Group Oo si wayn uga dhex muuqatay Maalinta Ololaha Nadaafada

Date:

Guud ahaan Shaqaalaha Dahabshiil Group oo ka Koobaan Shaqaalaha Somtel, Dahabshiil  Bank, Dahabshiil Remittance iyo E.Dahab ayaa Maanta si wayn uga dhex muuqday Ololaha Nadafadda Oo maanta Bulshada Somaliland Madax iyo Shacaba si wayn looga qayb qaatay.

Hadaba waxa aanu saaka xili hore kula kulanay Suuqa wayn Ee magalada hargeysa shaqaalaha Dahabshiil Group oo markaas ku hawlanaa Ololaha Nadaafadda iyaga oo ay ka muuqatay in ay madax iyo shaqaalaba si wayn ugu soo diyaar garoobeen hawshan Qaran waxaana ugu horayn war bixin kooban halkaas nagu siiyay Madaxa Suuqgaynta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha Ee shirkadda somtel Mr. Khadar Abdirahman Abdilahi waxaanu nooga waramay bal sida ay maanta ugu diyaar garoobeen hawsha nadaafadda waxanu hadalkiisa ku bilaabay ‘ sida aad arkaysaan halkan waxa Olole nadaafadeed oo aad u wayn ka fuliyay shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil Group oo isu qaybiyay caasimada hargeysa ilaa saddex Qaybood oo kala ah Koox ka hawl galaysa Agagaarka Iskuulka sheikh bashiir iyo Koox ka hawl galaysa Agagaarka Jeelka wayn ee hargeysa iyo kooxda saddexaad oo ka hawl galaysa badhtamaha suuqa wayn agagaarka Dahabshiil Barwaaqo sida oo kale Dahabshiil Group waxa ay saaka ka hawl galayaan Oo ay bulshadooda ay jecelyihiin kala qayb qaadanayaan Ololaha Nadaafadda min Gobol ilaa Degmo ilaa Tuulo, waxaana hawshan Ololaha nadaafadda ka qayb qaadanaaya Boqolaal ka midda Shaqaale waynaha Dahabshiil Group Oo kala jooga Dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka, sida aad arkaysaan saaka dhulkan aynu joogno oo dhan waxa ka buuxay khashin imikana waad aragtaan quruxdiisa iyo sida uu nadiifta u noqday, sidaas darteed waxa aan bulshada usoo jeedin lahaa in meel kasta oo xashiishkii laga nadiifiyay aan mar dambe xashiishka lagu celin balse goobaha loogu tala galay xashiishka la geeyo waxaana qurux badan in meel kasta oo xashiishka laga guro lagu beero dhir iyo ubax qurux badan si bilacda waddanku u wanaagsanaato bulshadana waxaan leeyay inta Xashiishku kuu jiro ayuu cudurkuna kuu jiraa Ee nadaafadda hala ilaaliyo.

Waxa kale oo ka mid ahaa Masuuliyiintii aanu Goobtaas kula kulanay Xirsi Bare oo ah Madaxa Laamaha Xawaaladda Dahabshiil waxanu nooga waramay bal sida uu u arko hawshan baladhan ee Ololaha Nadaafadda Ee saaka ay ka wadeen Magalada Hargeysa waxaanu noo sheegay in saaka subaxii horeba ay hawsha nadaafadda ka bilaabeen badhtamaha suuqa Hargeysa oo meelo badan oo xashiishku tuulna ay ka gureen xashiishkii oo badhna ay gubeen badhna ay saareen  baabuurta xashiishka loogu tala galay, hawshana ay tahay hawl qaran isla markaana Caafimaadka Bulshadu ku xidhanyay Hadba sidii khashinka la isaga nadiifiyo Mr. Xirsi barre ayaa xusay in wakhtigan lagu jiro xili roobaad isla markaana ay waajib tahay in xashiishka la iska fogeeyo si aanay ooga dhalan cudurada faafa madama marka roobku da’aayo ay is dhex galaan khashinka iyo Biyuhu.

Sida oo kale waxa aanu kula kulanay Goobtaas xashiishka laga nadiifinaayay Mr. Hassan Heiss oo ah Madaxa xidhiidhka dadwaynaha ee Xawaaladda Dahabshiil dhamaaan Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Goobtaas aanu kusoo marnay ayaa Si wayn ugu hawlana Nadiifinta wadooyinka waawayn iyo Guud ahaanba meelaha xashiishku yaalo sidii loo nadiifin lahaa oo shaqaalaha Dahabshiil Group ay kaalin wayn ka qaateen

Guud ahaanba Bulshada somaliland maanta looma kala hadhin Ololahan Nadaafadeed Ee laga fuliyay Caasimadda Hargeysa iyo Guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka Dalka

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...