Maxkamada Darajadeeda Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa maanta u fariisatay go’aan ka gaarida dacwadaha loo haystay labo eedeysano oo loo haystay dil ay u geysteen xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka federaalka, xubno ka tirsanaa Nabad sugida Muqdisho iyo ka mid noqoshada Al-shabab.
Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in maxkamada la soo taagey eedeysanayaasha kala ah Shucayb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi oo ku eedeysan in ay fuliyeen dilal qorshaysan oo ay ku fuliyeen xubno ka mid ah Baarlamaanka iyo Nabadsugida.
Shuute ayaa sheegay ka dib markii cadaymo iyo qiraalba lagu helay labadan eedeysano oo sida uu sheegay ka tirsan Ururka Al-shabaab ay fuliyeen dhamaan eedeymaha loo haystay wuxuu sheegay in Maxkamadu ku xukuntay labadan nin dil toogasho.
Ragan ayaa lagu helay dambiyada ah in ay dileen 3 xildhibaan iyo 2 sarkaal ka mid ahaa shaqaalah SIrdoonka dowladda federaalka.
- Marxuum Maxamed Maxamuud Xeyd (Ex-Xildhibaan)3-7-2014.
- Marxuumad Saado Cali Warsame (Ex-Xildhibaan) 23-7-2014.
- Aadan Maxamed Cali Madeer (Ex-Xildhibaan) 9-8-2014.
- Axmed Odawaa Baale (Ex-shaqaale Sirdoonka Dowladda) 14-7-2014.
- Maxamed Axmed Maxamed Cali Qaanuuni (Ex-shaqaale Sirdoonka Dowladda) 12-9-2014.
Ugu dambayn gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee ciidamada wuxuu sheegay in dowlada ay la wareegay dhamaan qalabkii iyo gurigii lagu qabtay ragan oo hormuud u ahaa shabakad Al-shabaab u qaabilsanaa dilal madax toogashada, wuxuuna sheegay in xukunka rafcaan laga qaadan ilaa 30 maalmood.