Zakariye Ismaaciil Xirsi oo kasoo goostay Al-shabaab kuna biiray dowladda Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay VOA-da ku sheegay in Al-Qaacida uu xiriirka ka goostay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.
Waraysiga ayuu ku sheegay Zakariye oo ahaa madaxii sirdoonka Al-shabaab in ururka Al-Qaacida aysan tacsi u soo dirin Al-shabaab markii hoggaamiyihii hore ee kooxda Axmed Cabdi Godane lagu dilay duqeyn diyaaradeed 2014-kii.
Sidoo kale, sarkaalkaan ayaa intaas raaciyay inuusan filayn in Al-shabaab ay ka mid noqon karto karto ururka ka dagaallama dalalka Siiriya iyo Ciraaq ee Daacis ama IS. Isagoo xusay inay imaan karaan duruufo ku kalifa in kooxda Al-shabaab ay ku biiraan, balse aanu haatan filayn inay taasi dhacdo mustaqbalka dhow.
Zakariye oo haatan ku biiray dowlada Somalia oo wax laga weydiiyay bartilmaameedsiga hoggaamiyayaasha Al-shabaab lagu hayo ayaa sheegay in qaabka lagu waajahayo kooxda Al-shabaab ay u baahan tahay hannaan dhammaystiran, kuwaasoo isugu jiray qaab diineed, mid warbaahineed iyo weliba mid siyaasadeed.
Ugu dambeyn, wuxuu xusay in mustaqbalka fog bartilmaameedsiga lagu hayo xubnaha ka tirsan ururka Al-shabaab uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin kooxda oo weli ka talisa deegaanno ka mid ah Soomaaliya.