Somaliland:Madaxweyne Silaanyo Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Safiirada Somaliland U Fadhiyay Dhawr Wadan.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa isku badal iyo xil ka qaadis ku sameeyay qaar kamid ah Safiirada Somaliland u fadhiya, waddamada Kenya iyo Jabuuti. Sidaana waxaa lagu sheegay war-saxafadeed goor dhawayd ka soo baxay aqalka Madaxtooyadda oo nuqul kamid ah lasoo gaadhsiiyay Shabakadda Wararka ee Somalilandtoday.com, war-saxafadeedkaas ayaa u dhignaa sidan.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka Jabuuti & Kenya;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti.

2. In Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

1. Ku: Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir),

Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Kenya Nairobi

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Hargeysa

Mudane,

Waxa aan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil Jirde, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Kenya.

2. Ku: Mudane, Maxamed Xirsi Qalinle,

Wakiilkii Somaliland ee Hore ee dalka Jabuuti Jabuuti

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Hargeysa

Mudane

waxaan gartay in aan kaa aqbalo codsigaagii ahaa warqada shaqo ka fadhiisinta ee xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Maxamed Warsame Cali Cigaal, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.

ALLAA MAHAD LEH

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...