Kenya:Barack Obama Oo Booqasho Ku Tagaaya Waddanka Kenay

Date:

Madaxweynaha dalka Marayanka Barack Obama oo aabihiis uu ka soo jeedo dalka Kenya ayaa ku dhowaaqay inuu booqan doono magaalada Nairobi bisha July ee sanadkan.

Barack Obama ayaa ku soo qoray bogga uu ku leeyahay Twitterka in uu ka qeybgali doono kulan madaxeedka Global Entrepreneurship ee lagu qaban doono magaalada Nairobi. Booqashadan ayaa noqon doonto tii ugu horeysay ee uu ku tago dalka Kenya tan iyo markii loo doortay madaxweynaha dalka Maraykanka sanadkii 2008.

Obama ayaa booqday dalka Kenya sanadkii 2006 isagoo ah senator hase yeeshee waxa uu ka baaqsaday in uu booqdo sanadkii 2013 xilli uu qaarada Afrika booqasho ku marayay. Waxana uu booqday xilligaas dalka Tanzania balse waxa uu ballanqaaday in uu booqan doono dalka Kenya kahor inta uusan ka tegin Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka.

Barack aabihii ayaa u tegey waxbarasho dalka Maraykanka hase yeeshee waxa uu dib ugu soo laabtay dalka Kenya kadib markii uu dhashay Barack. Obama aabihii ayaa geeriyooday muddo soddon sano laga joogo balse waxaa dalka Kenya ku nool dad ay qaraabe yihiin oo ay ka mid tahay Sarah Obama oo ah ayeydiis.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...