Waxaan maanta Qalinka u qaatay inaan Dhawr eray ka idhaahdo Khaladaadka ka muuqda hogaanka dalka ka jira iyo inaan Hoga tusaaleeyo Sidaan uga bixi karno Carqaladaha hortaagan Jiilka cusub ee Bulshadeena reer Somaliland
Waxaa Marag ma doon ah in gabi ahaanba ummada Afka somaliga ku hadasha ay wada jeceshahay Maamulka marka laga reebo inyar oo kooban, hadaba Ummad ahaan markaynu sidaa nahay oo ah wax alle inagu ilhaameeyey inaguna aynu jeclaysanay ayaa waxa 25 kii sano ee u dambeeyey ku soo kordhay wadankeena wax cusub oo ah:
In dadka badankiisu Hilmaameen inay dalka leeyahin hantidii ummaduna ay noqotay in Loo boobo sida Haadku Raqda Uboobo oo kale. Waxaynu hilmaamnay inaan ka shaqayno dalka ama aan Ubadkeena u dirno shaqo qaran, taariikhdii Somaliland waxaynu ka soo bilawnay 18 may 1991 Cajiib !!!ku darso oo madaxweynaha Somaliland na waa 90 jir .
Ardayga Somaliland ee ka baxay jaamacad mayaqaano masaafada ay isu jiraan magaalooyinka iyo Gobolada dalku sidookale mayaqaan Goobaha khayraadka Dabiiciga ah ee dalka sida Goobaha Shiidaalka ,Beeraha ,Macdanta iyo Dhuxul dhagaxda iskadaa inaan baranee wixii aynu lahayn inaan la soo baxno ayaan ka baqaynaa oo aan leenahay Balaayo ayaa inagu dhacaysa hadii shiidaalka iyo macdanta wadanka la soo saaro waa ayaandaroiyo faham la,aan soo wajahday wax garadkii dalka, … Cilmigii wadanku wuxuu noqday ((Loosheegaa kuu sheeg )) ….Cajiib !!! waa yaabe Goorma ayaan fahmi doonaa Khayraadka wadanka ku duugan.
Tusaale ahaan hadii aad dhex marto Suuqyada magaalooyinka waawayn waxaad arki doontaa Qof khashin dhigaaya wadada, Mid gaadhi Marinaaya Haad Khaldan iyo Mid Bur-burin ku haya hantidii ummadda ee ku magacawayd Dawlada, hadii aad ku tiraahdo kadaa waa khalade Waxa laguugu jawabayaa sidan:
· Maxaa kaa galay ma adigaa leh
· Wadada ilaahay miyaad naga xigtaa
· Waar iska soco waad Afdheertahaye
· Maadigaa naxidhi kara dadkii dalka lahaa ayaanu nahaye
· Ma oromo ayaad namooday xagaad nooga hanjabaysaa Adeer
Cajiib …… Cajiib …… Cajiib… !!!
Qaladaadka ku jira Hogaanka maamul ee Somaliland
Waxba yuu hadalku ila sii durkine aan u soo noqdo u jeedada Maqaalka oo ah inaan hoga tusaaleeyo dhaliilaha iiga muuqday meelaha ay wax ka qaloocaan iyo sidii loo toosin lahaa .
Maamul ahaan waxaan isleeyahay waxa inaga dhiman wax wayn oo laf dhabar u ah nolosheena marka aan run ahaan u hadlayno sababta oo ah marka aad fiiriso habka maamul ee ka jira dalka waxa markiiba indhahaagu ku dhacayaan masuuiyiinta ugu saraysa dawlada oo dhamaantood ah waayeel cimrigoodu ku simanyahay 90 jir ilaa 50 jir iyo Qurbo joog wadanka ka maqnaa 30 kii sanno ee u dambeeyey oo ku faanayaa dalka waxa iigu dambaysay 40 sanno ama 30 ka hor ….. Cajiib !!! , waxa gabi ahaanba meesha ka baxday kaalintii dhalinyaro oo ka maqan Maamulka sare sida ; Golayaasha wasiirada, wakiillada iyo Agaasimayaasha Wasaaraddaha iyo Hay,adaha qaranka marka laga reebo midhadh –aan badnayn oo ku soo xero galay Hab qabiil.
Bal muwaadin aan iswaydiinee maxaa keenay In maamulkii dalku gacata u galo waayeel iyo Qurbo jog, halka Dhalinyaradii dalka wax ku baratay ay tahriibayaan oo ay ku madhaan badda iyo Saxaraha Afrika.
Meedahay maskaxdii cusbayd ee dalkani u baahnaa maxaa baday inay badda Berka saaraan oo ay ku biraan xeryaha qaxoontiga aduunka, qaarkoodna macaluushu kulayso Jidadka Qurbaha, halka qaarkalena bilaabeen inay nafta lagaan Meelo khariban sida : Baararka iyo Kiniisadaha ???
Aan kuu sheegee way fiigo carareen ubadkaagii adiguna ma dhaadanid masuul hadii aan loo dhug yeelan maalinbaa dhicidoonta dalka ay gacanta ku dhigaan dadka soo haajiray dalal shisheeye, waayo waayelku waa dayax sii dhacaaya kii bedali lahaana Baddaa liqday waxnaa Mooral ahaan ayay u dhinteen oo hammi iyo Qammi midna malaha. Subxaana Allaah
Waa arin Cajiib ah !!! Qof kasta oo muwaadin ah wuu dareemayaa culayskeeda waayo Waagii soo Guduutaba waxaa Badda Gelaaya Aqoonyahankii iyo Ubixii wadanka oo xabaalo wadareedyo looga sameeyaa Daafaha Aduunka .
Waxa intaa dheer Aqoonyahanka wadanka wax ku bartay hadii uu yahay qof jecel inuu wadanka u shaqeeyo caqabado ayaa hortaagan u baahan in la xalliyo .
Tusaale ahaan:-
1. Cilmigii uu aqoonyahanku bartay wuxuu hoos yimi Cumaamadii iyo annaga oo reer hebel ah si uu u helo shaqo… hadii kale waa shaqo la,aan iyo tahriib …. cajiib !!!
2. Xafiiskii uu galaba waxaa masuul ka ah Qof Guudkiisa Cirro hadhaysay oo dhalinyaro samuuliyiin ah ma jirto …. waa niyad jabka ugu wayn ee haysta dhalinta, Marka laga reebo xog haynta iyo gacanyaraha (shaqaale hoosaad)
3. Waxaa Aqoonyahankii dalka laga horu marinayaa wiil ama gabadh la soo dhaqan celiyey oo cilmigoodu yahay ingiriisi aan waxba uga hoosayn
4. 35 jirkii Jaamiciga aha waxa laga dhaadhiciyey caruur ayaad tahay sidii wax aan qaangaadhin oo kale . waa iga su,aale Goormaad Koreysaa 35 jir caruur baad tahaye ??? Tolow ma anigaa dayeysan mise dadkaygaa Habaabay !!!
5. Talada Dalka hadii dhalinyaro loo dhiibo khibrad malaha oo wadanku khal khal ayuu gelayaa … waa su,aale Goorma ayuu Caqliyeysanayaa Qofka 35 jirka kula saariwaayey Sax iyo Khalad … Cajiib !!! Adaa sheegi ???
Caqabadahan aan soo sheegay marka uu waayo meel uu ka dhaafo aqoonyahankii curdinka ahaa wuxuu samaynayaa labo mid
1. Hadii reerkoodu lacagleeyahay wuxuu bilaabayaa ganacsi
2. Hadii kale Lamahuraan waa caws jiilaal ee waa inuu tahriibaa.
ü Waxa xusuus muddan in sannadkii ay jaamacadaha Dalka ka soo baxaan kumaanaan qalin jabiyaal ah oo ah reer Somaliland hadana ku darso oo wadanku ma soo saaro waxbana habayaraatee xataa FINDHICILKA iyo BEEDKA DIGAAGA waxa laga keenaa dibada , aan akhriste su,aal ku waydiiyee suurto gal ma tahay in dadkii wax soo bartay oo dhami noqdaan saaqidiin wax matarayaal ah ??? jawaabtu waa MAYA ee Cidiba waxba uma dirsan , waliba waxa garab socota Hadii aad tahay qof ka mid ah aqoonyahanka dhalinyarda ah ee wadanka oo aad go,aan sato inaad wadankaaga u shaqayso oo maskax iyo Muruqba aad geliso waxa ku hortaagan ADEERKAA oo 60 ama 35 sanno siyaasi ahaa imikana raba inuu noqdo Wasiir, Agaasime ama gudoomiye Gobol oo raba shaqo ay qabanlahayd dhalinyaradu inuu qabto . markaas ayaa lagu leeyahay ‘‘ inan kaagan yare e buuga la ordayaa ma odayga wayn ayaad rabtaa inaad dhinac cararto’’ markaa waxaa shakaal kuu noqonaaya oo ku xidhaaya dhaqankii oo waa inaad taasushaa.
Dulucda iyo Talo bixinta Qormada
Aan soo qaato Tix kamid ah Gabaygii Ducada ahaa ee MAHURAAN iyo Abwaan Khader Xassan Aadan (Khader Bool) ee 2011
· Mahuraan dalkaygoow xornimo lagugu maaanshee
· Magantaad bariisaa ee xornimo lagugu maanshee
· Masaakiinta maad quudhsan ee xornimo lagugu manshee
· Mayay noo da,aatahy ee xornimo lagugu maanshee
· Mawlahaanu kuubarinay ee xornimo lagugu maanshee
Hadal haamo ma buuxsho …. Anna aan Hawraarsan hadalkayga ku koobay
waxba yaanay qiiro iqaadin ee waxaan talo ahaan ku soo jeedinayaa dhawr qodob oo aan u arkay inay yihiin Danguud oo Ummadu u baahantahay , wixii falanqayn ah waxaan u dhaafayaa Akhristayaasha iyo shacabka reer Somaliland !!!
1. In la kala saaro siyaasadda iyo dhaqanka
· Cuqaashii iyo madax dhaqameedkii ayaa ku milmay Siyaasadii oo waxaaba adag inaad kala garato Siyaasiga iyo Madax dhaqameedka
2. In Golaha Guurtida laga dhigo Golaha Ruug Caddaaga siyaasiyiinta Cuslaatay si looga faa,iidaysto Khibradooda Shaqo iyo Aqoonta ay u leeyihiin dalka , si ay dalka ugu noqdaan HOYGA BARBAARINTA SIYAASADA DALKA .
· Waxaan dareensanahay in Waayeelkii ka hagaagi waayey Xilkii iyo shaqadii uu qaban jiray si uu ugu baneeyo Ubaxa cusub , waa in loo sameeyo Gole iyo Gunno lacageed
· Ha la joojiyo Guurtida laga soo xulaayo beelaha oo halaga xulo Siyaasiyiinta waawayn ee 60 jirka dhaaftay
3. In dhalinyarada loo igmada hawlaha shaqo oo lagu aamino siyaasada sida:Golayaasha wasiiradda iyo wakiillada iyo Saraakiisha Sar sare ee ciidanka Qaranka .
· Dalka ayaa u baahan maskax cusub oo dhalinyaro ah
· Madax dhaqameedku waa inay ku koobnaadaan Golaha dhaqanka iyo masuuliyada ay u hayaan bulshada oo uu sharcigu caddeeyaa inaanay ku milmin siyaasadda
4. Waa In la sameeyo sharci kala xadaynaaya waayeelka iyo dhalinyarada oo ka jira Somaliland sababta oo ah 45 jirka ayaa ku dala afka dhalinyarada
· Waxa weli isku qasan Sidii lookala saarilahaa waayeelka iyo dhalinyarada ee waa in cidii sharciga wax ka taqaa Hoos u eegtaa Arinkaas.
MAHAD CELIN
Waxaan guud ahaan u mahad celnayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland gaar ahaan akhristaha Mudane/Marwo waxaan kaa raali gelinayaa wixii khaladaad iyo Gef kaaga muuqda QORMADA , wixii talo iyo Toosin ah waad ii soo diri kartaa ciwaanka Hoos ku qoran..
ALLAA MAHAD LEH
Abdisamad H. Ahmed (Eng.Ismail)
Agronomist
Hargeisa – Somaliland