Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay dooneyso in xukuumada Siiriya ee Bashar Al Assad lagu cadaadiyo inay wadahadal la galaan kooxaha mucaaridka.
Warkan ayaa waxa sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibada John Kerry oo ka qeyb galay shirweynihii ka dhacay magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar.
Maraykanka oo horey sharuud uga dhigayey wadahadalka siiriya in marka hore xilka ka dego Madaxweyne Bashaar Al Assad ayaa hada fikirkiisii wax ka bedalay. John Kerry ayaa sheegay in xiligan aysan macquul ahayn in xal militari lagu dhameeyo dagaalada ka socda Siiriya.
Kerry ayaa sheegay in Maraykanka uu cadaadiska uu ku hayo dowlada Siiriya siii wadi doono si markaasi xukuumada ay wadahadal siyaasadeed ulla gasho kooxaha la dagaalamaya.
Dowlada Maraykanka ayaa dhawaan ansixisay qorshe lagu hubeenayo qaar kamid ah kooxaha kasoo horjeeda dowlada Bashar Al Assad.