Fadeexad lasoo gudboonaatay Xildhibaanadii waraaqda u diray Iran!

Date:

Xildhibaanadii xisbiga Jamhuuriga Maraykanka ee asbuucan waraaqda hanjabaada ah u diray dowlada Iran ayaa la shaaciyey xiriirka ay la leeyihiin shirkadaha Hubka soo saara ee u ololeenaya duulaan militari oo uu Maraykanka ku qaado Iran.

Senator Tom Cotton oo ah xildhibaankii horboodayey kooxda ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa maalin kadib markii uu waraaqda diray ka qeyb galay munaasabad balaaran oo ay soo qabteen kooxaha u ololeeya shirkadaha waaweyn ee Maraykanka ee hubka soo saara.

Xildhibankan Tom Cotton oo laga soo doortay gobalka Arkansas ayaa ah 37 sano jir, kamid ahaan jiray ciidamadii kasoo dagaalamay Ciraaq, wuxuuna sidoo kale ka qalin jabiyey Harvard Law School.

Xildhibaankan (ex-askari) ayaa kamid ah xagjiriinta ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee sida tooska ah ugu xiran shirkadaha waaweyn ee hubka soo saara sida shirkada Boeing. Xili uu xildhibaankan olole ugu jiro weerar Maraykanka uu ku qaado Iran.

Cotton ayaa sidoo kale u ololeenaya in Maraykanka uu ugu deeqo boqolaal diyaaradaha dagaalka ay soo saarto shirka Boeign maamulka Isra’iil oo uu xiriir weyn ka dhaxeeyo.

Waxaa taasi usii dheer in xildhibaankan iyo asxaabtiisa ayaa u ololeenaya in Marayanka uu hub ugu deeqo dalka Ukraine, si ay ulla dagaalamaan Ruushka.

Xagjirnimada Tom Cotton maaha mid ku eg dhanka dagaalka oo kaliya, xili uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Maraykanka ee Ciraaq ku sugnaa ayuu waraaqo uu qoray ku sheegay in (Xabsiga lagu guro Suxufiyiinta ka hadla hawlaha sirdoonka Maraykanka sida sharci darada ah u qabtaan).

Cotton wuxuu sidoo kale bishii lasoo dhaafay sheegay in maxaabiista ku xiran Xabsiga Guwantanamo ee aan dabiga lagu helin halkaasi lagu hayo illaa uu meykooda ka qurmo “..They can rot in hell…”waa siduu hadalka u dhigayee.

Tom Cotton oo kamid ah Saaxiibada Shirkadahah hubka iyo Isra’iil ku leeyihiin Baarlamaanka Maraykanka ayaa ku dooda in cadaawada Maraykanka loo qabo aysan ku xirneyn (Falalka Maraykanka geysto), balse Maraykanka loo necebyahay maadaama uu astaan u yahay (Wanaaga iyo Xoriyada), waa siduu hadalka u dhigee.

Balse Tom Cotton iyo saaxiibadiisa ayey la yaab ku noqotay carada iyo cambaareynta ay kala kulmeen shacabka Maraykanka iyo waliba qaar kamid ah isla xisbigooda Jamhuuriga oo diiday inay saxiixaan waraaqdii uu u diray hogaamiyaha sare ee Iran Cali Khumeynii.

Shacabka Maraykanka oo casharo badan kasoo bartay dagaaladii Afghanistaan iyo Ciraaq ayaa xiligan si weyn uga soo horjeeda dagaal uu Maraykanka markale ku qaado dal kale oo muslim ah.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...