Midawga Ardayda Jaamacadda Hargeysa Oo Soo Saaray Qodobo Xal U Noqon Kara Muranka Soo Noq-noqday Ee JAAMACADDAASI

Date:

Midawga ardayda jaamacadda Hargeysa iyaga oo ka duulaya ujeedooyinkii loo aasaasay isla markaana dardar gelinaya doonista iyo rabitaanka guud ahaanba ardayda Jaamacadda, waxay halkan ku soo bandhigayaan sideed (8) qodob oo lagu soo ururiyay cilmi baadhis in muddo ah ay wadeen gudida midawga ardaydu taas oo koobsanaysa xal u helida jaamacadda Hargeysa isla markaana iftiiminaysa xaaladda jaamacadda ee wakhti xaadirkan. Qodobada ay gudidu soo saartay aya kala ah:
1. In ardayda jaamacaddu hormuud u noqdaan ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada dalka.

2. Kadib markii boodhka jaamacaddu xal waara u waayay dajinta khilaafka joogtada ah ee jaamacadda, isla markaana ay taariikhda noqonayso 4 tii sanno ee ay boodhkani maamulayeen jaamacadda markii u horeysay ee uu khilaaf kusoo noqnoqdo Jaamacadda waxa aan midaw ahaan usoo jeedinaynaa madaxweynaha in sida ugu dhakhsaha badan u kala diro boodhkan.

 

scan 001.jpg

 

 

3. kadib Madaxweynaha Somaliland oo xalinta khilaafka Jaamacadda u xil saaray madaxweyne ku xigeenka, madaxweyne ku xigeenkuna isagoo u tix galinaya rabitaankooda istiqaaladii ay usoo gudbiyeen ka aqbalay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka Jaamacaddu, laba hormoodna go’aan madaxweyne kaga fadhiisiyay shaqada muddo 4 bilood ah, waxay Midawga ardaydu ugu baaqayaan madaxweyne ku xigeenka in uu u fuliyo go’aankiisii sidii uu ahaa una soo magacaabo sida ugu dhakhsaha badan maamul cusub oo sii wada hawshii jaamacadda oo baahi weyn loo qabo.

4. Kadib cilmi baadhis Midawga Ardaydu ku sameeyeen hanaanka maamul ee maaliyadda Jaamacadda waxa u cadaatay Midawga in aanay jaamacaddu lahayn hanaan maaliyadeed oo si cad u sheega lacagta Jaamacadda, lacagta la kordhinayana aanay u kordhayn macalimiinta isla markaana daboolayn baahiyaadka waxbarasho ee Jaamacadda, welibana lacag kab ah ay dawladu siiso Jaamacadda, waxa ay midawga ardaydu si cad uga soo horjeedaan lacagta sharci darada ah ee lagu kordhiyay ardayda sannadka saddexaad (3aad) iyo lacagta 30$ ee dulsaarka ah taas oo ay culimada qaarkood ku tilmaameen Ribo.

5. Iyada oo ay Jaamacadda soo mareen maamul tayo leh oo dhammaantood iska casilay shaqadii ay jaamacadda ka hayeen, iyo weliba macalimiin waayo arag ah oo qaar ka mid ahi iskaga tageen, qaarna shaqada laga eryay, waxa ay Midawga Ardayda Jaamacaddu ugu baaqayaan madaxweyne ku xigeenka in uu ku noqdo mudaddii uu shaqada ka joojiyay labada hormood ee jaamacadda isla markaana shaqooyinkii ay u hayeen ardayda kusoo celiyo, sababo xaga maamulka iyo hawl maalmeedka waxbarasho ee kuliyadahaas oo aan marnaba maamul la’aan karayn mudadaas.

6. In si degdeg ah wax looga qabto inta ka hadhay dhulka danta guud ee jaamacadda oo qaybo badan oo ka mid ah laga iibiyay shirkaddo gaar loo leeyahay, iyada oo halkii ay ka ahayd in dhulka banaan ee jaamacaddu leedahay la dhiso, loo kireeyay qaybo kamid ah guryo gaar ah oo ka baxsan xayn daabka Jaamacadda.

7. In Midawga ardayda oo maamulka jaamacaddu ku guul daraystay samayntooda loo daayo sida ay ardaydu u samaysteen, isla markaana u madaxbanaanaadaan hawlahooda oo aan lagu fara galin, iyadoo dhammaan ardayduna xuquuq siman ku dhex yeelan doonaan Midawga dhexdiisa.

8. Waa in dawladu dhawrto sumcadda iyo karaamada ardayda ka hadlaysa dantooda ee iyaga oo aan waxba galabsan sida sharci darada ah loogu taxaabayo
xabsiyada, qaarna sidii argagixisada iyada oo la sito magacyadooda xaajiyaddo RRU ah loo soo hor dhigayo jaamacadda, taas oo keeni karaysa gadood ay ardaydu samayso sidii UFO.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...