Ciidamada Cameroon oo xoreeyey Ciyaal u qafaalnaa Boko Xaram

Date:

Ciidamada Dowlada Kameroon (Cameroon) ayaa gacanta ku dhigay xero ay Kooxda Boko Xaraam ku tababari jirtay ciyaalka ay afduubaan.

Wasiirka Warfaafinta ee Kameroon Issa Tchiroma, ayaa shalay shir jaraa’iid oo uu qabtay ku sheegay in ciidamadooda ay soo badbaadiyeen caruur gaaraya 80 oo ay kooxda Boko Xaraam u tababareysay inay noqdaan maleeshiyaadkooda.

Caruurtan ayaa la sheegay inay da’adood u dhaxeyso 5 sano jir illaa 18 sano jir.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 104 qof oo la sheegay inay ahaayeen kooxda Boko Xaram iyo tababarayaashii xeradaasi ku sugnaa.

Kooxda Boko Xaraam oo xarunteedu tahay dalka Nigeria ayaa weeraro ka waday bilihii lasoo dhaafay dalalka jaarka la ah Nigeria gaar ahaan dalalka Jaad (Chad), Niger iyo Kameroon.

Boko Xaram ayaa tuulooyinka iyo magaalooyinka ay weeraraan ka qafaasha caruurta iyo dhalinyarada kuwaasi oo ay u tababaraan inay noqdaan maleeshiyaadkooda, sirdoonkooda iyo waliba kuwa fuliya weerarada ismiidaaminta ah.

Dalalka Jaad (Chad), Niger iyo Kameroon ayaa todobaadkii tagay bilaabay olole ka dhan ah Boko Xaram oo looga qabsaday dhul badan kooxdaasi, waxaana la sheegay in maleeshiyaad gaaraya 500 kooxdaasi Arbacadii shalay looga dilay dalka Niger.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...