Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Mud. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa sheegay in aanay sharciga melena ka soo galin odaaysha isku magacaabay Ma dasha Wadatashiga, sidoo kale wuxuu Madaxweynwe ku-xigeenkii hore cadeeyay maruu Saxaafadda u waramaayay in ujeeda loo sameeyay axsaabta siyaasadda ay ahayd in aan la arag qof ama koox meel cidlo ah ka qaylisa waa siduu hadalka u dhigaye.
Mud. Axmed Yuusuf Yaasiin Mar uu ka hadlaayey Madasha Wada-tashiga ayaa waxa uu yidhi “Marka hore Madasha Wada-tashigu sharci maaha, Xisbiyada Mucaaradka waxa loo sameeyey in aan la arag koox, urur ama qof meel ka qayliya, Xisbiyada waxaa Sharci siiyey Dastuurka, waxa aanay ka mid yihiin haykalkii dawladnimo, wixii intaas ka baxsanina sharci ma’aha, ee waxa aan kula talin lahaa Madasha Wada-tashiga inay ku biiraan Xisbiyada Mucaaradka ama Xisbiga Muxaafidka si aynaan u kala socon” .
Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin oo uu Mud. Axmed Yuusuf Yaasin ka aha Madaxweyne ku-xigeen waxay tallaabo cad ka qaaday ururkii Qaran oo ay wakhtigaas ku dhawaaqeen Siyaasiyiin miisaan culus laha, iyadoo Xukuumaddii Daahir Rayaale xabsiga u taxaabtay sheegtayna inay sharciyada dalka ka hor imanayeen. Taas oo keentay inay ku biiraan Xisbigii KULMIYE oo ay wakhtigaas ku dabo fayleen.