Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiir Ku-xigeenka Ingiriiska Ee Safaaradda Addis Abab

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay haweenayda safiir xigeenka Ingiriiska uga ah Adis-ababa, Am.Cat Evans oo markii u horaysay Hargeysa timid. Ujeedada Haweeynaydan ayaa lagu sheegay inay ku salaysnayd falanqaynta xidhiidhka labada dhinac iyo isbarasho.

247068_735992116514644_7368395127533177426_n

Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland, ayaa kulanka madaxweynaha iyo safiir xigeenka Ingiriiska waxa uu sharaxay ujeedka socdaalka Haweenaydan “Halkan  Madaxweynuhu wuxuu ku qaabilay haweenayda safiir ku xigeenka Ingiriiska uga ah safaaradda Addis Ababa. Gabadhani waa markii u horaysay ee ay Somaliland timid, waxay Addis Ababa timid todobaadkii hore waxayna Somaliland ku timid socdaalkeedii u horeeyay, waxayna Madaxweynaha ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo shaqadeeda ay qaabilsanaan doonto, waxa kale oo ay ka hadleen waxyaabaha ay Ingiriisku inaga caawiyaan sida doorashooyinka, wada hadalada Somaliland iyo Somalia iyo arrimo kale oo badan” ayuu yidhi Wasiir Xigeenka Khaarajigu.

unnamed8

Safiir xigeenka Ingiriiska ee Ethiopia Am.Cat Evans, ayaa dhinaceeda sheegtay inay Madaxweynaha la yeelatay wada hadal midho dhal ah oo ku taxa luqa xidhiidhka labada dhinac “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan ku Imaado Somaliland, bookhashadaydii ugu horaysay, wayna I xiiso galinaysaa, waxaanay dhiiri galinaysaa Iskaashiga laba geesoodka ah ee cajiibka ah,ee aan Somaliland la leenahay, iyo sidoo kale taariikhda dheer ee inaga dhexaysa.waxaan Madaxweynaha wada yeelanay wada hadal midho dhal, waxaanan rajaynayaa inuu sii socdo wada xaajoodku” ayay tidhi Am.Cat Evans.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...