Diyaarad ku shaqenaysa ilayska qoraxda oo duushay

Date:

Garoon ku yaala magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa ka duushay diyaar ku shaqeynaysa ileyska qoraxda, oo lagu magacaabo Solar Impulse-2.

Diyaarada oo leh hal kursi oo keliya ayaa baalasheeda waxa ugu xiran qalab u soo jiidaya cadceeda qaraxda, qalabkaas waxa la sheegay in uu la dhanyahay baalasha diyaarada nooca Jymbo Jet.

_81454911_solar_impulse_rtw_624map

Shanta bilood ee soo socota, diyaarada ayaa la filayaa in ay isaga gooshto qaaraddaha adduunka, ayna dul marto labadda badweyn ee Pacific-ga iyo Atlantic-ga.

Duulimaadkan tijaabadda ah ayaa waxaa diyaaraddan oo leh hal kursi duulin doona, laba nin oo u dhalatay dalka Switzerland oo la kala yiraahdo Bertrand Piccard iyo Andre Borschberg.

Inta ay ku jiraan safarkooda, waxa ay ku degi doonaan dalal kala duwan, iyaga oo gudbin doona fariin ku aaddan isticmaalka tiknoolajida nadiifka ah ee aan deegaanka waxyeeleyneyn.

Diyaarad noocan oo kale ah oo la yiraahdo Solar Impulse-1, ayaa sanadkii 2013-kii si wanaagsan ugu dul duushay dalka Mareykanka oo dhan.

Balse madaama diyaaradda laga doonayo in ay dunida oo dhan dul marto, ayaa waxaa loo dhisay qaab ka duwan tii hore, iyada oo la ballaariyay.

Diyaaraddan cusub ayaa leh baalal balacuudu gaarayo 72 mitir, halka culeyskeeduna dhanyahay 2.3 tan, kaasoo in badan ka fudud diyaaradaha caadiga ah.

_81454910_solar_impulse_624in

Fudeydkaasi ayaa muhiim u ah guusha duulitaanka diyaaraddan.

Sidoo kale, baalashada diyaaradda ayaa waxaa saaran in badan 17,000 oo ah unugaha keydiya ileyska qoraxda, waxaana ay leedahay bateri khaas ah oo u sahlaya in ay habeenkii duusho.

Duuliyaha diyaaradda ayaa looga baahan yahay in uu feejignaado oo uu si wanaagsan u duuliyo.

Haddii ay dhacdo in diyaaradda ay ku dul qaraabto baddaha Pacific-ga ama Atlantic-ga, waxa ay labada nin isticmaali karaan qalab diyaaradda saaran, kaasoo ay ku dabbaalan karaan ilaa iyo inta laga badbaadinayo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...