Xaflad Lagu Xusayay Maalinta Haweenka Adduunka oo Lagu Qabtay Hargeysa

Date:

Wasiirka Xigeenka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Marwo Shugri Xariir Ismaaciil horena u ahayd Wasiir xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shugri Xariir Ismaaciil, oo ka hadashay xuska xaflad lagu xusayay maalinta haweenka adduunka oo caawa lagu qabtay Huteelka Guuleed ee caasimadda Hargeysa.

Wasiir Ku xigeenka warfaafinta Marwo Shugri Xariir Ismaaciil ayaa hadal ay ka jeedisay xafladaasi waxay ugu horayn haweenka Somaliland u dirtay dhambaal hambalyo ah oo ay uga siday marwadda koowaad ee Somaliland, waxaanay tidhi “Ugu horeyn waxaan halkan ka salaamayaa guud ahaan haween weynaha caalamka, gaar ahaan haween-weynaha reer Somaliland.Waxa kale oo aan halkan idiinku sheegayaa fariin salaan ah o aan idiinka sido Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina X. Maxamed Jirde oo xuska maalinta Haweenka kaga qayb-gashay magaalada Boorame.

Xuska 8 March waa maalin guud ahaan Haweenka caalamka qiimo weyn ugu fadhida hal ku dhega sanadka ee la isla qaatayna (Waa ka farxi Hooyadaa), Run ahaana maalinta 8 March waa maalin lagu qiimeeyo hal-gankii dheeraa ee dumarku u soo mareen xuquuqahooda aasaasiga ah, waxa maalintaa dumarka lagu dhawaaqay 1945-kii, xukuumadda maanta jirta ee aan afkeeda idinkula hadlayaa iyada oo ka duulaysa dhammaan xeerarka iyo xuquuqaha jira, waxa ay aasaastay wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo ilaalinaysa dhammaan xuquuqda shaqaalaha dalka mid dawli ah iyo mid madax-banaan, waxaanay si gaar ah xil isaga saartaa arrimaha khuseeya haweenka iyo carruurta Somaliland.”

Marwo Shugri Xariir waxa ay Madaxweynaha Somaliland ku ammaantay inuu uu ka dhabeeyay balan-qaadkiisi xiliga doorashada waxayna tidhi “Haddii aynu dhammaanteen dib u eegno halkii uu ka bilaabay iyo halka uu maanta marayo dalkeennu iyo haddii aynu dib u eegno taariikhda Madaxweynaheena ee hal-gankii uu dalkani soo maray, waxaynu dhammaanteen garanaynaa inuu Madaxweynaha Somaliland uu u qalmo in mar labaad la doorto oo aynu codkeena siino.”
Wasiirku waxa ay Haweenka ugu baaqday inay doorashada soo socota ee Baarlamaanka isa soo sharaxaan codkoodana dumarka siiyaan.

DSC02606
Waxa kale oo ay Marwo Shugri Xariir, sheegtay madaxweynaha Somaliland inuu dedaal u galay in doorashooyinka Wakiiladda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo haweenka loo qoondeeyo kuraasi gaar ah oo ay kaligood ku tartamaan. Waxaanay xustay in xeerkaasi uu madaxweynuhu u gudbiyay Golaha Wakiiladda oo ay ku dooday in loo baahan yahay inay sidiisa ku meel-mariyaan.

Waxa kale oo ka hadlay munaasibadaasi Gudoomiyaha hay’adda xuquuqal insaanka qaranka, Marwo Fadxiya Xuseen, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Xaliimo X. Cabdilaahi iyo Guddoomiye xigeenka Ururka NOW Yurub Abiib, Agaasimaha Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dhammaantood haweenka ku dhiirigaliyay in ay wada jirkooda ilaaliyaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...