Ciraaq oo sheegtay in la burburinayo Nimrud

Date:

Masuuliyiinta dalka Ciraaq ayaa sheegay in kooxda la baxday Dowladda Islaamiga ay isku dayayaan inay burburiyaan magaalo qaddiimi ah oo la yiraahdo Nimrud, iyaga oo isticmaalayo baabuurta waaweyn ee wax lagu burburiyo.

Maadaama ay tahay dhaqan baabi’in iskudayga in la burburiyo Nimrud waxaa durbadiiba la barbar dhigay dumintii Daalibaan ay dumiyeen taalooyinka dhagxaanta ahaa ee Bamiyan Budhaa ee dalka Afqanistaan sanadkii 2001-dii.

Sida ay sheegtay wasaaradda dalka Ciraaq u qaabilsan waxyaabaha qadiimiga ah, dagaallamayaal ka socda Daacish ayaa ayaa magaalada qadiimka ah la soo galay baaldoosarro iyo qalab kale oo culus waxayna bilaabeen inay dumiyaan xarunta dhaqanka.

Nimrud waxaa uu ahaa magac ay Carabtu markii dambe u bixiyeen magaaladii qadiimka ahayd ee loo yaqiin Kalhu ee dadkii Assiriyiinta oo la dhisay qarnigii 13aad ee dhalashadii Ciise kahor, kuna jirta kitaabka masiixiyiinta.

Magaaladu waxay ku fadhidaa dhul aad u ballaaran, welina ma kala cadda in gebi ahaanteedba la burburiyay iyo in kale. farshaxanka Nimrud oo ay ku jiraan dibi waaweyn oo laga qoray dhagax, waxay yaalliin madxafyo caalamka oo dhan.

Qaarkood waxaa lagu muujiyay video toddobaadkii hore ay kooxda Daacish soo bandhigtay iyagoo burburinaya madxafka magaalada Mosul oo u dhow Nimrud, Daacish waxay farshaxankaasi uga dhigan yihiin asnaam oo kale.

Burburinta ay ku qaadayaan waxaa si weyn loogu arkaa inay tahay iskuday burburin dhaxalka Ciraaq iyo sidoo kale hanti qiima badan oo aan beddelkeeda la heli karin ee ilbaxnimada adduunka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...