Xeer beegtada (jury) Maxkamada New York ayaa shalay soo saaray go’aankooda maxkamadeynta Khalid Al Fawwaz oo lagu eedeeyey inuu ka qeyb qaatay Qaraxyadii lala beegsaday safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tanzaniya 1998.
Khalid Al Fawwaz oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Sucuudiga ayaa lagu qabtay dalka Ingiriiska sanadkii 1999 wuxuuna xabsiga ku jiray muddo 16 sano ah.
Fawwaz ayaa la sheegay inuu kasoo shaqeeyey xarunta Al Qacida ku lahayd dalka Afghanistaan, sidoo kale uu xiriir toos ah la lahaa kooxdii fulisay weeraradii lagu qaaday safaaradaha Maraykanka ku lahaa Nairobi iyo Daara Salaam sanadkii 1998, qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen dad gaaraya 224 oo ay ku jiraan 12 Maraykan ah.
Sidoo kale waxaa ninkan lagu eedeeyey inuu afhayeen u ahaa Osama Bin Ladin hogaamiyihii Al Qacida isla markaana warsaxaafadeedka Al Qacida inuu saxaafada uga diri jiray xafiis uu ku lahaa London.
Inkastoo lagu helay danbiyadii lagu soo eedeeyey weli lama shaacin inta uu noqon doono xukunka ciqaabta ee lagu ridi doono, walow ay macquul tahay in lagu xukumo xabsi daa’in.