Isbaheysiga Maraykanka oo duqeynta Siiriya ku dilay 1.600 qof

Duqeynta Isbaheysiga Maraykanka ka wado dalka Siiriya tan iyo bishii September 2014 ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 1.600 qof.

Xogtan ayaa lagu sheegay warbixin ay Isniintii shalay soo saareen kooxda la socda xaalada Xuquuqul Insaanka ee dalka Siiriya.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dagaalyahanada kooxda ISIS. Walow ay hay’adan sheegtay inay adagtahay in xog rasmi ah laga ogaado tirada rasmiga ah ee shacabka ku dhintay duqeynta diyaaradaha Maraykanka iyo xulafadiisa.

Duqeynta inteeda badan ayaa ka dhacday Waqooyiga Siiriya gaar ahaan magaalada Kobani oo la sheegay in lagu dilay dagaalyahano gaaraya 1465 oo kamid ahaa kooxda ISIS.

Comments

comments