Dowlada Afghanistan oo wadahadal ugu baaqday Talibanka!

Date:

Cabdullah Cabdullah oo u hadlay Xukuumada Afghanistan ayaa shaaciyey in dhawaan ay bilaaban doonaan wadahadalo fool ka fool ah oo ay yeeshaan dowlada Afghanistan iyo kooxda Talibanka.

Cabdullah Cabdullah ayaa sheegay in dowlada Pakistaan ee jaarka la ah ay kaalin weyn ka qaadaneyso in kooxda Talibanka lagu cadaadiyo wadahadal inay la yeeshaan dowlada Afghanistan.

Xukuumada Afghanistan ayaa sheegtay inay shacabkeeda ay si joogto ah oo aan mugdi ku jirin ugu soo bandhigi doonto wadahadalada labada dhinac ay dhawaan yeelan doonaan.

Dhinaca Talibanka ayaa qoraal ay soo saaren ku sheegeen inaysan xiligan faah faahin ka bixin doonin hadalka kasoo yeeray dowlada Afghanistaan, isla markaana hadii wax soo kordhaan ay soo bandhigi doonaan.

Dowlada cusub ee Afghanistaan ee uu Madaxweynaha ka yahay Asharaf Ghani ayaa qodobka ugu weyn ee horyaal uu yahay sidii ay heshiis ulla geli lahaayeen kooxda Talibanka oo weli awood weyn ku leh gobalada dalkaasi.

Horey ayey wadahadalo u yeesheen xukuumadii hore ee Xamid Karsay iyo Talibanka, balse kulamadaasi ayaa markii danbe kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...