Dahir Yaa Jabiyay? Dayrkiisii Isbaarada ahaa.

Date:

Dahir Cabdulle Calasow Waa Nin Dhalinyarada Somaliyeed ka mida Waxaanuu ku Noolaa Mudooyinkii Danbe Qaarada Yurub Waxaanay Mihnadiisa Koowaad ahayd Dabadhilif ama Basaas Wuxuu ku Lifaaqi Jiray Mihnadiisa Saxaafinimo.

Wuxuu Dahir la Shaqeeyay Jamhuuriyada Somaliland Dhanka Basaasida iyo Sir Doonka Wuxuu Ahaa Nin Wakhtigaas Mihnadiisa ku Qanacsan kuna Dedaal badan Dahir Markuu Galay Qaarada Yurub Waxaa Debeda Yimi Damiciisii Shakhsiga ahaa oo ku Salaysnayd Daydaynimo iyo Mooryaanimo.

Dahir wuxuu Xoojiyay Xirfadiisii Saxaafinimada isagoo Mindida Laba Aflayda ah ee Saxaafada u Isticmaalay Arimihiisa Shakhsiga ah Ha Saxnaadaan ama ha khaldanaadaane.

Dahir Wuxuu Bilaabay inuu afku dhiigle noqdo oo uu kaga sheekeeyo Websites-kiisa Qabyaalad iyo Qabaa’il Isagoo Qolyaha Ganacsatada ahna Weerar Qaawan ku Qaaday Haba ku kala Darnaadee isagoo weliba u Maraya Hab iyo System Qabiiliya Gaar ahaana Beesha Isaaq Si Toosa u Weeraraya Ganacsigooda iyo Sharaa’igooda.

Dahir wuxuu Bilaabay Dacaayadihii Ka Dhanka ahaa Shirkadihii Qaran Express iyo Daallo Airlines Kuwaasoo uu u Daniyayay inuu Kaga helayo Laaluush Dacaayadaha Meel kuma Taalka ah ee uu ka faafinayay Laakiin Qaran Express waxay taabatay Oo ay Shaacisay God Daloolooyinkii Dahir ama Boogihii ugu Damaqa Badnaa Ee Dahir Taasi Waxay Keentay Dahir inuu Dib uga Baxo Weerarkii Shirkadii La Odhan Jiray Qaran Express.

Daallo Airlines ayaa Iyaduna u Martay Hab Ay Soomaalidu Ku Caantahay  inay iskaga Difaacaan Dadka Noocan oo kale ah Shirkada Duulimaadyada ee Daallo Airlines ayaa Noqonaysa Shirkadihii Sida lama Ilaawaanka ah u gashay Af ku Dhiigle Calasow.

Mar Saddexaadkii wuxuu si Qaawan u Weeraray Calasow Shirkada Xawilaadaha Lacagaha ee Dahabshiil Wuxuuna ku eedeeyay Danbiyo aanay Shirkadu Geli karin Shaqadeeduna aanay Geli karin Kuwaas oo ay ka Mid yihiin Ururada Xagjirka ah inay shirkadu Maal geliso, Inay Dishay weriyayaal, inay Dishay Fanaaniin, Inay Dagaalo ka rido Shirkadu Gobolada Bari ee Somaliland.

Arrimahan oo uu Ku Lifaaqayay Basaasnimadiisa iskana Dhigayay mid Basaasnimo ku soo Helay Xogahan uu Kaga Been Abuuranayo Shirkada ayaa Noqotay Ceebtii ugu Balaadhnayd ee soo gaadha Dahir Calasow.

Kadib Markii Shirkadu La Tiigsatay Sharciga Dalka uu Ku Noolyahay Dahir Cabdulle Calasow kuwaas oo ku Amray inuu Bixiyo Dhamaan wixii Kharash Shirkada Ka galay Dacwadii ay Kula Jirtay isaga Dahir Markii uu Waayay Lacag uu Magdhawga Shirkada ku bixiyo Maxkamada Dalka Holand Waxay Soo Amartay in Gurigiisa iyo Alaabta u taala La Xaraasho hadii ay Wax ka dhimaana Accounada uu Bangiyada ku Leeyahay la caseeyo Macnaha Caydhiisa laga Goosto.

Sidoo kale waxaa lagu Xukumay In uu Website-kiisa www.sunatimes.com  uu ku soo Qoro Xaqiiqda Jirta Kuna Cadeeyo Isla Websites-kii uu ku Faafin jiray Dacaayadaha Inay Been ahaayeen Dhamaan Waxyaalihii uu la xidhiidhin jiray Waxaanuu ku qoray Qoraal u Dhigan Sidan.

Xukunka maxkamadda sare ee racfaanka ee Holland, xukunkaasi oo ku saabsan warar iyo qoraallo khalad ah oo laga faafiyey shirkadda Dahabshiil laguna daabacay qoraallada noocaas ah ilaa lix jeer websiteka www.sunatimes.com   Marka loo eego qoraalladaasi, Dahabshiil waxa lala xidhiidhiyey falal denbiilanimo, kuwa argagixiso, iyo qas iyo dagaal ay kula kacdo saxaafadda.  Xukunkii ay riddey maxkamaddu bishii December 16-dii sannadkii 2014 ee ay ka gaadhay dacwaddii la xidhiidhay arrintan, maxkamadda racfaanka ee ‘s-Hertogenbosch waxay go’aamisay oo ay xukuntay in aan loo hayn wax caddaymo ah eedaha kor ku xusan ee lagu daabacay website-kaas, sidaasi awgeedna daabacadda iyo faafinta eedaymahaasi inay ahayd magac-dil amma sumcad-dilis.Maxkamadda racfaanku waxay igu amartay in go’aankani maxkamaddu ku dhawaaqday in aan aniguna ku soo daabacao oo ku faafiyo isla website-ka www.sunatimes.com iyo weliba dhawr website oo kale. Dahir Abdulle Alasow  Breda 

 

In six publications on the website www.sunatimes.com Dahabshiil was associated with criminal acts, terrorism and violence towards the press.By judgement on 16 December 2014 in summary proceedings the Dutch court of appeal of ‘s-Hertogenbosch judged that there was not enough evidence for the above mentioned allegations published on the website, and therefore publishing those allegations was defamatory.The court of appeal ordered me to publish this announcement onwww.sunatimes.com and several other websites.

Dahir Abdulle Alasow  Breda

Halkaa Markay Maraysay Waxaa iyaguna Xaqiiqadii Ogaaday Websites-kii Laga Lahaa Deegaanada Bariga Somaliland Kuwaas Iyaguna Ku Baxi Jiray Magaca Khaatumo Oo Iyaduna ahayd Barnamij ay soo Dhoobdhoobeen Gacan ku Dhiiglayaal iyo Afku Dhiiglayaasha Bariga Somaliland Fadqalalada iyo Dhibaatada ka waday.

Dhamaan Websiteskaasi waxay Soo Daabaceen Wararkii Xaqiiqada ahaa eek u Salaysnaa Runta ee Ku Saabsanaa Dalka Somaliland iyo Shirkada uu Afka u Geliyay Dahir Calasaw

Taasi waxay keentay Inuu Markiiba Dahir Weeraro ku Qaado Websites-kii ku Badhi Furay Been Abuurkiisa.

Dahir Dulmigiisiyo
Daalinimadiisaba
Daah kaama Saaree Garo

by Mohamed Haji. Moumin 

E-mail: mohed.moumin@gmail.com

Nairobi 

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...