Baarlamaanka dalka Bosnia Hersogofina ayaa Isniintii shalay ansixiyey shuruuc cusub oo isbedal ku sameenaya nidaamka adeega bulsho iyo dhaqaale, shuruucdaasi oo wadada loogu xaarayo in dalkaasi uu xubin ka noqdo Midowga Yurub.
Dalka Bosniya ayaa in muddo ah dadaal ugu jiray inuu xubin ka noqdo EU-da, balse illaa iyo hada laguma guuleysan, waxaana taasi sabab u ah khilaafka ku dhexjira dadyowga Muslimiinta, Seerbiyiinta iyo Korowaadka oo isku khilaafsan siyaasada dalkaasi.
Bosniya ayaa sidoo kale ah dal ay ka jirto shaqo la’aan baahsan oo lagu qiyaaso 40%, waana kan ugu liita marka loo barbar dhigo dalalka kale ee Qaarada Yurub.
Tilaabooyinka cusub ee lagu doonayo in isbeda lagu sameeyo maamulka iyo dhaqaalaha dalkaasi ayaa waxaa soo dhaweeyey Golaha Midowga Yurub oo ku tilmaamay go’aanka Baarlamaanka Bosniya mid taariikhi ah.