Xoghayaha ammaanka gudaha dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay halis u arkayaan hanjabaada ururka Alshabaab ee ah in ay weerarayaan xarumaha ganacsiga ee reer galbeedka sida Mall of America oo ku taal Minnesota waxana uu ugu baaqay dadka inay feejignaadaan.
Jeh Johnson xoghayaha ammaanka gudaha ayaa hadalkan sheegay kadib markii la daawaday cajalad muuqaal ah oo uu ururka Alshabaab ku baaqayo in weerar lagu qaado xarumaha ganacsiga reer galbeedka sida Mall of America, West Edmonton Mall ee dalka Canada iyo London’s Oxford Street.
Wararka ayaa sheegaya in xarumaha Mall of America iyo West Edmonton Mall ay sheegeen in ay kordhinayaan ilaaladooda. Xoghayaha ammaanka gudaha dalka Maraykanka ayaa ugu baaqay dadka ka dukaameysta Mall of America inay taxadar dheeri ah yeeshaan
Minnesota oo ah halka ay ku taal xaruntan ganacsiga ayaa waxaa ku nool Soomaali faro badan. Mall of America waa xarun ganacsi oo weyn kuna taal Bloomington, Minnesota, waxaana sanadkiiba booqda illaa 40 million oo ruux waxayna sanad walba soo gelisaa lacag ku dhow $2 billion gobolka Minnesota, sida laga daabacay shabakada ay xaruntan leedahay. Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerar lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall magaalada Nairobi sanadkii 2013 iyadoo weerarkaana ay ku dhinteen 67 ruux.