Somalia:Madaxweyne Xasan Shiikh oo guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo golaha xukuumaddu yeelatey

Date:

Kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada, uuna kala soo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa looga arrin saday weerarkii argagixiso ee duhurkii Jimcaha 20 February, 2015 lagu qaaday “Hotel-ka Central” oo ay markaas ku sugnaayeen shacab iyo masuuliyiin salaadda Jimcaha ku tukanayey masaajid ku dhex yaala Hotel-ka.

Falkaas argagixiso waxaa loo adeegsaday gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa iyo nafti halige is qarxiyay. Dhacdadaas argagixiso waxaa ku geeriyooday 25 qof inta la xaqiijiyay oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin, kana mid yihiin 2 Xildhibaan, Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Banaadir, masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Xafiiska R/Wasaaraha. Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay 40 qof oo u badan dhaawac fudud, uu kamid yahay R/Wasaare ku xigeenka, mudane Max’ed Cumar Carte iyo dad kale oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin.

Shirka aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirrada waxaa lagu go’aamiyey:

1. Cambaareyn weerarkii wuxuushnimo ee lala beegsaday shacab iyo mas’uuliyiin dawladda.
2. U tacsiyeyn Shacabka Soomaaliyeed iyo ehelladii dadkii ku geeriyooday falkaas argagixiso.
3. Dhisid guddi Wasiirro oo ka kooban, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga howlgalaan taakuleynta dadka ay waxyeeladu soo gaartay.
4. Dhisid Guddi Amni oo hormuud ka yihiin, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga, kaasoo baaritaan kusoo sameynaya falkii argagixiso, si loo qaado tallooyinka xiga.

Falalka argagixisinimadu ma wiiqayaan kalsoonida shacabka iyo dawladda sidii dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaali lahaa loona gaari lahaa ciribtirka argagixisada.

—Dhammaad—
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...