Raysalwasaare kuxgeenka Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, ahna sii hayaha xilka Raysalwasaaraha ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmey weeraradii al-Shabaab ay ka fuliyeen qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho xilli lagu jiro Salaadii Jumcaha.
Raysalwasaare kuxigeenka ayaa la geeyey isbitaalka Digfeer waxaana soo gaarey dhaawac fudud oo dhanka lugaha ah. Qaalib ayaa ku dhaawacmey banaanka masaajidka Hotelka Centrel waxaana uu ka mid ahaa dadkii soo daahey oo dhanka daaradda ku tukadey, marka qaraxu dhacaayey.
Qaraxa ayaa loo adeegsadey gaari, waxaana uu dhacay xiligii salaadda laga baxay sida uu sheegey Salaad Cali Jeele oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmey.
Masaajidka ayaa derbigiisu dumey waxaana ku dhaawacmey dad uu ka mid yahay:
Cali Axmed Jaamac Jiingeli Wasiirka Gaadiidka
Nuur Faarax Wasiirka Dekadaha iyo Kheyraadka Badda
Xil. Cabdulqaadir Cali Cumar, Wasiirkii hoore ee arrimaha gudaha
Cabdiraxmaan Bangax oo Puntland ka soo noqdey Wasiir, Xukuumaddii Cabdiweli Shiikh ka soo n oqdey Wasiir ku xigeen.
Xil. Salaad Cali jeele iyo qaar kale oo badan.
Dadka dhintey waxaa ka mid ah:
Xil Cumar Cali Nuur (Furdug),
Maxamuud Ducaale Muuse- (Xaaji Gafe) (Xildhibaankii bedalay Cali Khaliif Galayr)
Gud Ku Xigeen Banaadir- Maxamad Aadan Caanageel.
kuxigeenka Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska raysalwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Cilmi iyo
la taliyaha raysalwasaare kuxigeenka abdifataax Khaliif Baadiyow.
Cabdishakuur Mire Aaadan ( Wasiir & Suxufi hore)
Weerarka ayaa la aaminsan yahay in uu mid si weyn ay ururka al-Shabaab u soo qorsheeyeen kaas oo ku soo beegmaya xilli la sheegey in la adkeeyey nabadgelyada magaalada Muqdisho, iyada oo maalinta Berri la qorsheeyey in ay Muqdisho booqasho ku yimaadaan madaxweynaha dalka Jabuuti iyo madax kale.
Source: Horseed media