Ka hor salaadda Jimacada ee maanta ayaa laba qarax oo waaweyn ka dhaceen magaalada Muqdisho, Qaraxyadan ayaa loo adeegsaday mid ka mid gaari ay ka buuxaan waxyaabaha Qarxa halka mid ka kale uu filiyey ruux isku xiray bom la sameeyey, Gaariga ayaa ku qarxey banaanka hore ee Hotel Central oo u dhow xarunta Madaxtooyada Soomaaliya wuxuuna ka mid yahay Hotelada ay degaan masuuliyiinta Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Qaraxa labaad ayaa ka dhacay Hotel Naasa Hablood oo isna ku dhaw Madaxtooyada Villa Somalia kana fogeynta Hotel Centeral waxaana uu caan ku yahay in ay degaan Xildhibaanada iyo Qurbojoogta Soomaalida, Qaraxa labaad kadib ayaa la maqlaayey rasaas badan oo dhacdey.
Weerarada Ismiidaaminta ee lala eegtay Hotel Central iyo Naas Hablood ayaa la soo sheegayaa in ay ku dhinteen dad tiradoodu kor u dhaafayso 11 qof dhaawacuna uu intaa ka badan yahay sida ay sheegayaan ilo ku dhaw ciidanka amaanka ee ku sugan goobta weeraradu ka dhacay.
ADVERTISEMENTS
Dadka ku dhintay ama ku dhaawac weeraradan ayaa la sheegayaan in ay ku jiraan Xildhibaano, Wasiiro iyo maamulka Gobolka Banaadir, Waxaana la xaqiijiyey in weerarka Hotel Central ay ku dhinteen gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Caano Geel oo dhanka siyaasada Qaabilsanaa iyo Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug), Sidoo kale Dadka la sheegayo in ay dhaawacmeen waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha haddana ah Xildhibaan Cabdulqaadir Cali Cumar, Xildhibaan Xaaji Kafee iyo Cali Jaamac Jengeli oo ah Wasiirka Gaadiidka.
Ilaa hada waxaa adag in la helo tirada dhabtaa ee weerarkan ku dhimatay kuna dhaawacmay Iyadoo goobta ay ku hareersan yihiin ciidamada amaanka oo goobta amaankeeda la wareegay una ogelayn in saxaafada u gudubto waxaana soo afjarmay dhawaqa rasaasta oo u ekeyd mid dagaal uu ka dhex socday Hoteelada.
Ururka al-Shabaab ayaa si deg-deg ah u sheegtey weeraradan, waxaana ay sheegeen in ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo ay ku bartilmaameedsadeen madax sare oo ka tirsan Dowladda.
Qaraxyadan ayaa imaanaya iyada oo maalmihii u danbeeyey Dowladdu jidadka Muqdisho soo dhoobtey ciidamo cusub oo la sheegey in ay si gaar ah u tababaran yihiin kuwaas oo wadey baaritaano xoog leh.
Wararka ku soo kordha dib ayaan u soo daabici doonaa.