Xoogaga Islaamiyiinta Liibiya oo diyaarado ku duqeeyey Zintan

Date:

Isbaheysiga Al Fajar ee gacanta ku haya magaalada Tripoli ee caasimada Liibiya ayaa markii ugu horeysay duqeyn la beegsaday xoogaga kasoo horjeeda ee uu hogaamiyo Generaal Haftar.

Diyaaradaha dagaalka ee isbaheysiga Al Fajar ayaa shalay duqeyn la beegsaday airporka ku yaal magaalada Zintan oo saldhig u ah diyaaradaha isbaheysiga General Haftar.

Dagaalka ka socda Liibiya ayaa hada gaaray heer ay labada dhinac isu adeegsadaan diyaaradaha dagaalka, xili xaalada wadanka Liibiya ay sii xumaaneyso.

Isbaheysiga uu hogaamiyo General Haftar ayaa iyagu taageersan xukuumada Beesha Caalamka ictiraafsan tahay, General Haftar ayaa horey u heystay tiro diyaaradaha dagaalka ah oo uu ku duqeeyey saldhigyada Isbaheysiga Al Fajar.

Isbaheysiga Al Fajar ee gacanta ku haya Caasimada ayaa ka kooban xoogaga Islaamiyiinta ah iyo kooxo kale.

Maanta oo Arbaca ah ayaa lagu wadaa in golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kulan aan caadi ahayn ka yeesho xaalada dalka Liibiya.

Dhinaca kale dowlada Masar oo todobaadkan bilowday duqeymo ay la beegsaneyso xoogaga taageersan ISIS ee ku sugan Liibiya, kuwaasi oo dilay 21 masiixiyiin u dhashay Masar ayaa sheegtay inay dooneyso inay sii balaariso hawlgalada ay ka wado dalkaasi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...