Somalia: labo qof oo ka mid ahaa shaqaalaha Garoonka Aadan cade oo lagu dhex dilay Bartamaha Wadada KM-4

Kooxo hubaysan oo wadatay gaari ayaa goordhaweyd waxay ku dileen afar qof oo saarnaa hal gaari oo marayey bartamaha wadada KM-4 agagaarka Hotel Naasa Hablood Muqdisho.

Wararka dheeriga ah ee weerarkan ka helayno ayaa sheegay in afarta qof labo ka mid ah ay ka mid ahaayeen shaqaalaha Garoonka Diyarahada Aadan Cade waxaana magacyadooda lagu soo koobay Kediye oo ahaa madaxda xafiiska dhaqaalaha Garoonka iyo Maxamuud Haaruun oo ka mid ahaa saraakiisha Garoonka.

Labada kale ee ku dhintay weerarkan ayaa la sheegay in ay labadan masuul ee ku geeryootay weerarka ay ka soo raaceen Garoonka Aadan Cadde.

Goob jooge ayaa sheegay in kooxda dilka Geysatay ay si xad dhaaf ah xabado ugu fureen gaariga ay saarnaayeen Afartan qof.

Kooxda dilka Geysatay ayaa isakaga Baxday goobta marka ay falkan fuliyeen.

Wararka ku soo kordha dib ayaan u soo daabacaynaa.

Comments

comments