Shirkada Somtel xarunta Garoowe oo bilowday diwaangelinta Adeega E-Dahab Service

Shirkada Isgaarsiinta SOMTEL Puntland xarunteeda Garoowe ayaa waxay todobaadkan bilowday diwaangelinta Adeega E-Dahab Service oo ah adeeg Simcard-ka SOMTEL aad ku kaydsan karto lacagtaada dollarka ama aad wax ku iibsan karto.

Madaxa Suuqgaynta shirkada SOMTEL gobolka Nugaal Ismaaciil Maxamed Jaamac ayaa Horseed Media u sheegay in shirkadu weli si tijaabo ah u furan tahay balse ay bixinayso adeegyada shirkada wuxuuna sheegay in shirkadu macaamiisha ku wargelinayso in ay iska diwaan geliyaan adeegan oo ka fududeenaya jeebku qaadashada lacagta.

Sidan oo kale shirkada SOMTEL waxay adeegan uga soo furtay oo macaamiisheedu uga qaateen xarumaha ay ku leedahay gobolada Bari iyo Karkaar.

Comments

comments