Hal qof ayaa ku dhintay labo kalena wey ku dhaawacmeen weerar labaad oo xalay ka dhacay magaalada Copenhagen ee caasimadda dalka Denmark. Weerarkan ayaa ka dhacay meel ku dhow dhisme ay ku cibaadeystaan dadka Yuhuuda (Synagogue), qofka dhintey ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo Yuhuudi ah.
Booliska dalka Denmark ayaa sheegay in nin hubeysan uu madaxa ka toogtay qof rayid ah isla markaana dhaawac u geystay labo qof oo Boolis ah, waxaana uu isla markii ka baxsaday goobta. Booliska ayaa xaqiijiyey in ninkaani weerar ku qaadey ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa Nørrebro halkaas oo Boolisku ku toogteen, Booliska ayaa sheegaya in weerarkan ninkaani uu keli ku ahaa, laakiin uu socdo baaritaan weyn oo gadaal laga shaacin doono qofka uu yahay.
Meesha uu weerarka ka dhacay ayaa 5KM u jirta goobtii uu ka dhacay weerarkii koowaad oo lagu qaaday dhisme uu ka socday siminaar ku saabsan farshaxanka iyo madax-banaanida hadalka.
Dadka fadhiyey siminaarka waxaa ka mid ahaa kartooniiste lagu magacaabo Lars Vilks oo u dhashey dalka Sweden isla markaana caan ku ahaa daabicista sawiro kartoon ah oo uu ku aflagaadeeyay Nebi Maxamed (NNKH), waxaana la sheegay in uu ka badbaaday weerarka. Sidoo kale waxaa joogay Safiirka Faransiiska ee Denmark oo isna xaqiijiyey in aanu dhaawacmin kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka.
Booliska ayaa qaaday howlgalo aad u balaaran oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weeraradan.
Magaalada Copenhagen ayaa laga dareemay khal khal aad u xoogan oo dhinaca amaanka, waxaana dhamaan hawada magaalada lagu arkayay diyaaraddaha nooca qumaatiga u kaca (helicopters) oo sameynayay roondooyin, waxaana Booliska ay ka cabsi qabaan surtagalnimada weeraro hor leh in ay dhacaan.
Shacabka ayaa looga digay in ay tagaan faras magaalaha Copenhagen ama goobaha ay isku yimaadaan dadka.
Ra’iisul Wasaaraha Denmark haweenayda la yiraahdo Helle Thorning-Schmidt ayaa cambaareysay weerarkii koowaad, waxayna ku tilmaamtay mid argagixiisnimo arrimo siyaasadeed dabada kasoo riixeen.
Saxaafadda caalamka ayaa si weyn u falanqeynaysa weeraradan oo ay la barbar dhigayaan kuwii bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Paris oo ay ku dhinteen 12 qof.