Dawladda Somaliland Oo Sheegtay Inay Puntland Iska Kaashadaan La Dagaalanka Kooxda Al-shabaab & Wasiirkeeda Amniga Oo Xadhig Loo Ballan-qaadey

Date:

Dawladda Somaliland, ayaa si kulul ugu jawaabtay Maamulka Puntland oo doraad ku eedeeyay inay taageerto kooxda Xagjirka ah ee Al-shabaab, kuwaasi oo dhibaato ku haya Puntland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Cali Maxamed Waran cadde oo shalay u waramay Laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in wasiirka amniga ee Puntland, Mr. Alloore uu Somaliland kula soo galgalanayo hawlihii amni oo uu sheegay inuu ku fashilmay, sidaa daraadeedna dawladda Somaliland xidhayso haddii uu cagaha soo dhigo madaarrada Somaliland, maadaama buu yidhi uu eedaymo aan caddeyn loo haynin uu mar walba warbaahinta la soo taagan yahay.

Wasiirka oo ugu horeyn ka jawaabaya eedaymaha ah in Somaliland xidhiidh la leedahay Al-shabaabta buuraha Galgala “Runtii aad iyo aad baanu uga xunnahay arrinka ninkaa sheeganaya Wasiirka (Wasiirka Amniga Puntland) oo aan u bislayn siyaasadda iyo booska uu hayo, annaga oo dhowr jeer oo xidhiidh ah ka maqalley isaga oo Somaliland ku dhalliilaya inay Al-shabaab xidhiidh la leeyihiin. Taana waxaanu u aragnaa nin shaqadiisa ka soo bixi kari waayay oo dhibaatada iyo dhiigga maalin walba Puntland ka daadanaya Kula soo galgalanaya Somaliland”

Wasiir Cali oo ka jawaabaya waxyaabaha soo celcelinaya eedaymaha Puntland, ayaa sheegay “Annagu dal la yaqaan ayaanu nahay, waana la ogyahay, laakiin waxaan filayaa in ninkaa (Alloore) uu ajaanibka wax kaga doon-doonayaa, laakiin ajaanibku halkayagan way joogaan, dalkayagana waalla ogyahay inuu dal nabad ah yahay oo aan fool xumo kale shaqo ku lahayn. Maalin dhawayd oo Booliska Puntland hadlayeenne waxay yidhaahdeen in weerarrada Al-shabaab kaga yimaaddaan waddankooda gudihiisa, in dawladda qaarkood ka dambeeyaan (Weerarada Al-shabaab) oo  ay yihiin weeraradaasi wax dhexdooda ah….”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray in aanay Somaliland wax xidhiidh ah la lahayn Al-shabaab “Annaga ma jiraa wax xidhiidh ah oo naga dhexeeya (Al-shabaab) Somalilandna waa dal la yaqaanno, laakiin iyaga (Puntland) ayuu xidhiidhku ka dhexeeya Al-shabaab, isaga (Wasiirka Amniga Puntland-na) ayaan filayaa inuu ka mid yahay Al-shabaab, waayo halkii ay ahayd inuu halkii ay (Xaqiiqadu) ahayd abaari lahaa ayaad mooddaa inuu adduunyada ku dawarsanayo ama uu doonayo in reer Yurub wax ku siiyaan, laakiin waxaanu ogeyn in reer Yurub laftoodu ay halkan (Somaliland) nala joogaan oo aanu caalamka xidhiidh la leenahay, waxaasina maaha wax aanu u dul-qaadan karno, waxaanu ninkaasi naga istaahilaa wax aanaan jeclayn (inaanu kula kacno). Arrinkana waa arrin colaad iyo xasad dabada ku haya..”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray in Somaliland xidheyso Wasiirka Amniga Puntland haddii uu cagaha soo dhigo Somaliland “Puntland iyo Somaliland dadku way isku socdaan, jidka ay isticmaalaan iyo diyaaradaha ay isticmaalaan waa kuwo Madaarka Hargeysa, sidaa daraadeed waxaan caddeynayaa inaanu xidhayno ninkaasi (Wasiir Alloore) haddii uu Madaarrada Somaliland soo maro  ama uu yimaaddo, diyaaradahana waxaan uga digayaa inay kaasi oo kale hawadayada iyo dalkayaga soo mariyaan”

Wasiirka oo la waydiiyey waxyaabaha ay Somaliland iyo Puntland iskaga kaashan la’yihiin la dagaalanka Al-shabaab ayaa sheegay inay iska kaashadaan isla-markaana wada xidhiidhaan, laakiin aanay garayn cidda dabada ka wadda wasiirka Amniga Maamulkaasi, Mr. Alloore “Puntland waanu wada shaqeynaynaa, waanu iska kaashanaa (la dagaalanka Al-shabaab) oo waanu is ognahay, laakiin waxaanu doonaynaa inaanu Puntland waydiinno cidda dabada ka wadda, meesha uu la socda iyo cidda u shaqeynayo, waayo Puntland waanu wada shaqeynaynaa siddana iskumaanu ogeyn, waayo waanu kulanaa oo xidhiidh wanaagsan baa naga dhexeeyay. Markaa ninkani cidda uu u shaqeeyo Puntland ayaanu uga fadhinaa waanuna waydiinaynaa” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Wara cadde.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...